Home Wararka “ Xukuumadda Waxaan Leeyahay, Waa In Aad Ku Sii Daysaan Gudoomiyaha Xisbiga...

“ Xukuumadda Waxaan Leeyahay, Waa In Aad Ku Sii Daysaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Berbera Rooda Axmed Yaasiin 48 Saacadood Gudahood ..” Xoghayaha Warfaafinta Ucid Yuusuf Kayse .

16
0

Yuusuf kayse

Waxaa xabsiga loo taxaabay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin iyadoo safar kaga timid Gobolka Saaxil, kuna soo jeeday Magaalada Hargaysa .

Laba Ruux oo la socday Masuulkan ayaa lagu xidhay Xabsiga Dhexe ee Hargaysa, Halka Gudoomiye Rooda Axmed Yaasin aan la garanayn Meel lagu xidhay .

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo goor dhawayd Ka Hadlay Xadhiga Gudoomiye Rooda ayaa sheegay in uu cambaareenayo xadhiga lagula kacay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobalka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin  .

Xoghayuhuu Wuxuu sidoo kale sheegay in ay raadiyeen halka lagu xidhay Marwo Rooda Balse illa haddana aanay ka war-qabin halka ay ku xidhantahay “ Waxaan aad uga xunahay xadhiga xaqdarada ah lugula kacay Rooda Axmed Yaasin Gudoomiyihii Gobalka Saaxil Ee Xisbiga Ucid iyadoo safar kaga timid Magaalada Berbara .” Ayuu Yidhi Xoghayuhu waxaanu intaasi ku daray “Xukuumadu Waxa aan leeyahay waxa laydiinka baahanyahay in aad ilaalisaan Xoriyatulqowlka Iyo Madax banaanida qofka binu Aadamka, Waxaanan leeyahay waa in aad ku sii daysaan 48 Saacadood Gudahood ..” Ayuu Yidhi Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse C/laahi .

Ugu danbeenti Xoghaye Yuusuf Kayse waxaa uu xukuumadda ugu baaqay in ay soo cadeeyaan halka ay ku xidheen masuulkan, maadaama aan illaa hadda aan la ogaan meel lagu xidhay .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here