Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Xalay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Kaga Qeyb Galay Xuska...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Xalay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Kaga Qeyb Galay Xuska 26 June + Sawiro

21
0

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka Ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kaga qeyb galay Xuska sannad guuradii 56-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyadda ka qaadatay maxmiyadda ingiriiska, 26 June Ee Sannadkii 1960-kii .

Munaasibadda Xuskan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale waxaa madasha Xuskan ku sugnaa, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxda Golayaasha Qaranka, Wasiiro, Xildhibaanno,Madaxda Axsaabta Qaranka Iyo Masuuliyiin kale .

Waxaana xalay saacaddu markay ahayd 12:00 Habeennimo qasriga Madaxtooyada laga taagay Calanka Somaliland .

 

UCID UCID1 UCID2 UCID3 UCID4 UCID5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here