Home Wararka Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Iyo Murashax Waris Dhoobaale Oo Agab Ciyaareed Ku Wareejiyay...

Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Iyo Murashax Waris Dhoobaale Oo Agab Ciyaareed Ku Wareejiyay Kooxaha Kubadda Ee Deegaanka Gogol Wanaag + Sawiro

21
0

Murashax Waris Dhoobaale oo ka mid murashaxiinta Xisbiga UCID Ee Gobolka Maroodijeex ee tartami doontaa Doorashooyinka Golaha Wakiilada oo ay Weheliyeen Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga UCID  ayaa maanta socdaal ku gaadhay Deegaanka Gogol-Wanaag Ee Duleedka Galbeed ee Hargaysa .

Masuuliyiinta waftigani hor kacaysay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Maroodijeex Mudne Cabdi Dool Kaariye , Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Ibraahim Salaf, Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C/laahi, Ku SImaha Gudoomiyaha Garabka DHalinyarada C/wahaab Xasan .

Bulshada ku dhaqan Deegaankaasi ayaa soo dhaween balaadhan ku qaabilay waftigaasi, iyagoo u galbiyay madashii loogu talo galay in lagu qabto xafladda dhalinyarada kooxahaasi lagu gudonsiinayo agabkaasi ciyaaraha ee isugu jiray Dirays iyo kubado .

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dhalinyarada Deegaankaasi, waxaanu sheegay in ay niyad saafi ah ku soo dhaweenayaan waftigan, isagoo sheegay in Xisbiga UCID ay abaal wayn u hayaan .

Xubno haween ah oo ku hadlayay Afka  Ururka Ceel-Sheekh iyo Afka Deegaanka Gogol-Wanaag ayaa soo dhaween ka dib halkaasi ka ballan qaaday in ay Murashax Waris uga mahad naqayaan Agabkaasi ciyaaraha ee ay soo gaadhsiisay Kooxaha Kubadda cagta, taa baddalkeedana waxay ballan qaadeen in ay taageero la barbar istaagi doonaaan  Murashax Waris .

Gudoomiyaha XIsbiga Ucid Ee Gobolka Maroosijeex Cabdi  Dool Kaariye  ayaa sheegay in Xisbiga UCID uu ku dadaali doona sidii ay u soo bixi lahayd Murashax Waris Dhoobaale .

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse C/laahi ayaa Bulshada Deegaankaasi ugu baaqay in ay u codeeyaan Murashax Waris oo aanay ka door bidin ragga ka imanaya qurbaha oo uu ku tilmaamay kuwo aan kaba war-qabin baahiyaha Deegaanka .

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Ee UCID C/qani Ibraahim Salaf oo halkaasi ka hadlay ayaa shacabka Deegaankaasi ku dardaaray in aanay codka la baal marin Murashax Waris Dhoobaale oo ay cod iyo cudud-ba la barbar taagnaadaan .

Ugu danbeentii waxaa halkaasi ka hadashay Murashax Waris Dhoobaale oo sheegtay in ay Maanta siddo Agab Ciyaareed oo ay ugu talo gashay Kooxaha Kubadda Cagta .

Murashaxaddu waxay halkaasi ka jeedisay ballan qaadyo u badnaa in ay horumar mug leh ka sameen doonto dhanka ciyaaraha, waxaanay sheegtay in ay uga fadhido codka Deegaankan .

Sidoo kale Murashax Waris Dhoobaale ayaa si rasmi u furtay Ciyaarta kowaad Ee tartanka Kubadda Cagta Ee Kooxaha ka ciyaara Deegaankaasi oo ay Murashax Waris Dhoobaale iyadu u Dhigtay Koobkaasi  .

 

 

DSC07591 DSC07592 DSC07593 DSC07595 DSC07598 DSC07601 DSC07606 DSC07612 DSC07615 DSC07621 DSC07630 DSC07634 DSC07635 DSC07640 DSC07647 DSC07652 DSC07656 DSC07659 DSC07663 DSC07669 DSC07672 DSC07683 DSC07693 DSC07702 DSC07711 DSC07712 DSC07722 DSC07728

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here