Home Wararka Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Beniyay Qoraal Been Abuur Ah...

Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Beniyay Qoraal Been Abuur Ah Oo Uu Sheegay In Lagu Baahiyey Saxaafadda Qaarkeed.

16
0

Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Beniyay Qoraal Been Abuur Ah Oo Uu Sheegay In Lagu Baahiyey Saxaafadda Qaarkeed.FB_IMG_1459963091719

Hargeysa (UCID-Media Group) Ku simaha xog hayaha guud Xisbiga Mucaariska ah ee Ucid Cabdi Naasir Yuusuf Cismaan Qodax ayaa ka hadlay warqad been abuur oo laga been abuuray sexeexiisa iyo emailkiisa , Cabdi naasir qodax waxa uu ku tilmaamay in ay dad dano gaara ka leeyihiin ay soo qoreen warqadaasi isla markaana ay ka been abuureen .
Ku simaha xoghayaha guud oo arimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaan halka ka canbaaraynayaa Qoraal Dheer Oo Xalay Qaar ka Mida Warbaahinta Online ka ah lagu soo qoray, qoraalkaasi oo aan ku sexeexnaa isla markaan aan kaga hadlaayey arimaha Xisbiga Ucid, dhamaan waxaan leeyahay Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee daafaha dunida in aanay waxba ka jirin oo Been abuur ay tahay warqadaasi oo aanay jirin warqad aan soo qoray, Waxaan mar labaad leeyahay warqadaasi Emailkayga kuma qora shambada xisbigana may lahayn wax doc iyo dareen ahna kama ogi qof u jeeddo gaara ka leh ayaa waxaasi faafiyay.

Cabdi Naasir Qodax oo hadlkiisa sii wata ayaa Yidhi “ xisbiyada qaranka khilaaf wuu ka dhex qarxaa dhawaana waanu soo af jari donaa khilaafka ka jira xisbigayaga dhexdiisa.

Xisbiga UCID Wuxuu Uga digayaa cid kasta oo isku dayda falalka been abuurka ah in uu ka qaadi doono talaabo kasta oo ku haboon.

 

Waxaanu u soo jeedinaynaa warbaahintu in ay ka waan toobaan wararka been abuurka ah ee aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay baahinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here