Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Oo Tacsi U Diray Eheladii, Qarabaadii Iyo...

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Oo Tacsi U Diray Eheladii, Qarabaadii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxay Marxuun Dr Cabdi Aw Daahir Oo Magaalada Burco Ku Geeriooday

16
0

bismillah

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

cropped-ucidbutton_01.jpg

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

                  

 

لااله الاالله

انالله وااناليه راجعون

قال الله تعالي

(( يأيتها النفس المطمئنه ارجعي الى ربك راضيه مرضيه وادخلي في عبادي وادخلي جنتي)) .. !!

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

“وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُور “

Ref/UCID/56/2016                                                                                                                             Date: 06/04/2016

UJEEDDO/                Tacsi Tiiraanyo leh

 

Hargaysa (UCID-medai Group )

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(UCID-MediaGroup) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Caddalada iyo Daryeelka UCID, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka guddida Fulinta Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID , waxa uu tacsi TiiraanyoLeh u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii,  golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta (06/04/2016) ku geeriyooday magaalada Burco.

Guddoomiye Faysal waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug caddaaya oo qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka, kana mid ahaa dhakhatiirtii ugu horaysay ee aqoontooda dhakhtarnimo u hibeeyey, duurkana u galay sidii ay dadkooda ugu gurman lahaayeen, kana hawlgeleyey dawaynta mujaahidiintii horseeday xoraynta dalka.

Marxuumku wuxu ka mid ahaa haldoorka dhakhatiirta dalka ee wakhtigooda iyo maskaxdooda u hibeeyey dawaynta iyo horumarinta caafimaadka shacbigooda.

Guddoomiye Faysal Cali waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii,  golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

اللهم اغفر له وارحمه وأدخله جنات النعيم
اللهــــم .. يا حنَّان ، يا منَّان ، يا واسع الغفران ، اغفر له و ارحمه ، و عافه و اعف عنه ، و أكرم نزله ، و وسع مدخله ، و اغسله بالماء و الثلج و البرد ، و نقِّه من الذنوب و الخطايا كما ينقَّى الثوب الأبيض من الدنس

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here