Home Wararka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Yuusuf Ibraahim Googooye Oo Guddomiyaha xisbiga UCID...

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Yuusuf Ibraahim Googooye Oo Guddomiyaha xisbiga UCID Iyo Guddida Fulinta Uga Mahad celiyay Xilka Cusub Ee Loo Magacaabay.

25
0

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Yuusuf Ibraahim Googooye Oo Guddomiyaha xisbiga UCID Iyo Guddida Fulinta Uga Mahad celiyay Xilka Cusub Ee Loo Magacaabay.

IMG-20160325-WA0000

Hargeysa (UCID-Media Group) Yuusuf Ibraahim Googooye oo dhawaana Guddomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe u Magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID , ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey UCID-Media Group uga mahad celiyay Guddomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo guddida Fulinta xilka cusub ee loo magacaabay.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID ayaa Qoraalkiisa ku bilabay sidan:

Anig oo ah xoghayaha guud ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid Marka hore waxaa Mahad oo dhami ay u sugnaatay Allaha weyn ee Awwooda badan ee inaga dhigay Ummad Muslin ah oo Xor ah oo Dalkoodu Nabad iyo Dawladnimo Buuxda ay ka hanaqaaday oo iyaga oo aan Cidna Sacabada hoos dhigan Dalkoodii Hooyo ee Burburay dib u dhistay.

Waxaa kale oo aan u Mahad Celinayaa Guddomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo gudida fulinta oo ii magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID, Waxaan Guddomiyaha xisbiga UCID Iyo Guddida fulinta ugu Mahadnaqayaa Kalsoonida uu ay ii muujiyeen ee ay iga soo dhex xusheen Malaayiinka Qof ee Reer Somaliland oo in badan oo ka mid ahi ay iga Cilmi iyo waayo-aragnimo badan yihiin.

Waxaan idiin balan qaadayaa in aan si hufan oo wanaagsan idiin la shaqayn doono Insha Allah. Waxaan halkan ka salaamayaa Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, gudida fulinta, golaha dhexe, garabka dhalinyarada iyo haweenka ee heer gobol iyo heer qaran, Laamaha Dibbadada, Guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka dalka iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa kale oo aan u Mahadnaqayaa Kumanaanka Qof ee si guud iyo si gaarba iigu soo Duceeyay iiguna soo Hambalyeeyay Xilkan Cusub ee uu Guddomiyaha xisbiga UCID uu ii Magacaabay waxaanan idiin soo gudbinayaa Mahadnaq waxaanan Allah ka baryayaa inuu Ducadiiina ii Aqbalo oo uu igu Asturo Masuuliyada la i saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here