Home Wararka Gudaha Ka Eeg : “ Reer Burco Kubadda Caan Ayay Ku Ahayeen...

Gudaha Ka Eeg : “ Reer Burco Kubadda Caan Ayay Ku Ahayeen , Markay Kubaddu Idin Dhaafto , Ninkaan Idin Dhaafi Jirine ..” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Koob U Dhigay Kooxaha Kubadda Ee Gobolka Togdheer + Kaftankii Faysal Iyo Dareenkii Reer Burco + Daawo Sawirada

18
0

Hargaysa(UCID-Media Group) – Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe  iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku joogay Gobolka Togdheer ayaa Koob u dhigay laba kooxood oo ka mida kooxaha kubadda cagta ee Gobolka Togdheer .

Ujeedada koobkan ayaa ahayd sidii dhalinyarada loo tusi lahaa in la barbar taaganyahay iyo sidii loo dhiiri galin lahaa ciyaaraha .

Ciyaartan oo dhex martay labada kooxood  ee Turkish Style iyo Sagal Jet ayaa ahayd ciyaar soo jiidatay bulshadii daawanaysay , iyadoo ahayd weerar iyo weerar celis , waxaana ay ugu danbeentii guushu raacday Kooxdi ku ciyaaraysay Magaca Turkish Style .

Munaasibad loo qabtay Gudoonsiinta Koobka kooxda guuleesatay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xisbiga Ucid .

Waxaana ugu horen Munaasibadda ka hadlay Maamulaha Garoonkii ciyaartu ka qabsoontay , waxaanu sheegay in uu aad ugu Mahad naqayo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo koobkan u dhigay Kooxahan isagoo soo jeediyay in Dawladdu xil iska saarto dhalinyarada iyo ciyaaraha si loo dhiiri galiyo Dhalinyarada tahriibta ku madhatay si ay  u helaan mustaqbal .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Mudane Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay Gudoomiye Faysal iyo waftigiisa sida ay uga so qeyb galeen Munaasibaddan , waxaanu sheegay in munaasibadda caawa ay farxad gaar ah u leedahay isaga maadaama uu furitaankii Garoonkan uu goob jooge ka ahaa .

Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Ee Xisbiga Ucid Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo halkaasi ka hadlay ayaa dhaliilay sida Xukuumaddu u lumisay kaalintii ciyaaraha iyo dhalinyarada, waaxaanu halkaasi ka ballan qaaday in Xisbiga Ucid marka uu talada dalka qabto ay la iman doonaan siyaasad cad oo ay ku soo  doonaan  Ciyaarihii , annago bu yidhi u sameen doonaa nidaam toosan oo sax ah .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid  Eng Faysal Cali Waraabe oo soo Gunaanaday Munaasibaddaasi ayaa u mahad naqay Bulshada Reer Burco sida ay Magaalada Ugu soo Dhaweeyeen , waxaanu ka warramay ciyaaraha iyo qiimaha ay leeyihiin isagoo sheegay in Ciyaaruhu ay Dhisaan Maskaxda , Jidhka iyo Nabadda .

Sidoo kale Gudoomiyaa oo ka hadlayay labada Kooxood ee tartamay ayaa Yidhi “ Labada kooxood kuwa badiyay iyo kuwa laga badiyay waa isku mid , idinkana maalinta danbe ayaa badin doontaan , maanta guushu Turkish Styel ayay raacday waanu hambalyeenaynaa ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Ugu danbeentii Gudoomiyaha ayaa Koobka Gudoonsiiyay Kooxdii Hanatay Guusha oo ahayd Kooxdii ku ciyaaraysay Magaca Turkish Style , iyadoo dareenka Ciyaartoydii guuleesatay laga dheehanayay Farxad iyo sida ay ula dhacsanyihin in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Gudoonsiiyo Koobkan .FB_IMG_1458888618387FB_IMG_1458888652646FB_IMG_1458888669512FB_IMG_1458888609203FB_IMG_1458888637074FB_IMG_1458888660860ATT00008ATT00004

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here