Home Wararka Xisbiga UCID OO RAALI GALIN KA BIXIYEY HADAL XALAY KA SOO YEEDHAY...

Xisbiga UCID OO RAALI GALIN KA BIXIYEY HADAL XALAY KA SOO YEEDHAY JAMAAL CALI XUSSEN OO UU KU DURAAYEY MUUSE BIIXI IYO MAXAMED AW SICIID

21
0

Xisbiga UCID OO RAALI GALIN KA BIXIYEY HADAL XALAY KA SOO YEEDHAY JAMAAL CALI XUSSEN OO UU KU DURAAYEY MUUSE BIIXI IYO MAXAMED AW SICIID

Hargeysa(UCID-Media Group):- Xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa waxaa uu raali galin ka bixiyey hadal xalay ka soo yeedhay Jamaal Cali Xussen taas  oo uu ku sheegaayey  Jamaal in khilaafka xisbiga ka taagan ay masuul ka yihiin gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo ganacsade Maxamed Aw Siciid

Warsaxaafadeed mar dhaweyd ka soo baxay xaruntadhexe ee xisbiga ucid oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay UCID-Media Group ayaa waxaa lagu sheegay  in hadalkaasi  uu yahay mid ku kooban aragtida Jamaal Cali Xussen isla markaana aanu xisbigu la qabin

Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa Sidan

UJeeddo Go,aan Guddi Fulineed Oo Ku Saabsan Raali Galin:

Xisbiga cadaalada iyo Daryeelka ee UCID waxaa uu halkan ka cadeynayaa in hadalkii Jamaal Cali Xussen kaga hadlaayey ganacsadaha rer Jabuuti iyo masuulyiinta kale ee uu eeda u soo jeediyey waxaa ay ku kooban tahay aragtida Jamaal ee xisbigu lama qabo anaga oo ixtiraameyna fikirka iyo xoriyada shaqasi ahaaneed .
waxaanu raali buuxda siineynaa dhamaan taageerayaasha xisbiga UCID kana raali galineynaa hadalkii ahaa in xisbiga cid kale ay burburineyso xisbiga UCID waxaa weeye xisbiga ugu da,da weyn xisbiyada qarankan isla markaana ugu khibrada badan sidaas darteed cidna ma burburin karto waana meel ka dhac in lagu tilmaamo mid shaqasiyaad ku takri falaan .
waxaa kale ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID raali galin buuxda ka bixinayaa cid kasta oo dhibsatey hadalkii Jamaal maadaama oo aanu ixtiraam u heyno ganacsatada rer Somaliland iyo dhamaan madaxda xisbiyada Qaranka iyo masuulyiintooda

Allaa Mahad Lehreceived_966693620087210

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here