Home Wararka Xisbiga UCID Laantiisa Dalka Finland Ayaa Xaflad Aan Nooceeda Hore Loo Arag...

Xisbiga UCID Laantiisa Dalka Finland Ayaa Xaflad Aan Nooceeda Hore Loo Arag Ku Soo Dhaweeyay Nasuuliyiin Iyo Taageerayaal Miisaan Leh Oo Ka Soo Diga Rogtay Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani

15
0

Xisbiga UCID Laantiisa Dalka Finland Ayaa Xaflad Aan Nooceeda Hore Loo Arag Ku Soo Dhaweeyay Nasuuliyiin Iyo Taageerayaal Miisaan Leh Oo Ka Soo Diga Rogtay Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani.

Hilsinki (UCID-Media Group)Xafladan ayaa sidoo kale lagu maamuusay guddida cusub ee dhawaan loo magacaabay laanta Finland ee uu gudoomiyaha ka yahay Mudane Mustafe Maxamed Cali Taajir.

Xafladan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhanka kale marti isugu jirtay madaxda xisbiyada Somaliland,Xildhibaano ku soo baxay doorashooyinkii Finland iyo weli odayaasha iyo madaxda jaaliyada Somaliland ee Finland.

Khudbado badan oo dareen wata ayaa waxa isaga dambeeyay madaxda Ucid Finland iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii ku soo biiray.

Gudoomiye Mustafe Taajir ayaa gunaanadkii xafladan ka jeediyey khudbad gilgishay dareenkii dadka ka soo qeyb galay munaasabadan, isagoo ku nuux nuuxsaday sida dalka Somaliland uu maanta ugu baahan yahay bedbaado, isla markaana hoosta ka xariiqay in Xisbiga Ucid yahay ka keli ah ee maanta bulshada Somaliland isku aamini karto.

Xildhibaan Faysal Yusuf Cabdi oo ka mid golaha deegaanka ee magaalada Vantaa ayaa xisbiga Ucid ku tilmaamay inuu yahay gurmadkii Somaliland ay u baahneed.

Guud ahaan xafladan ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqay,isla markaana xisbiga UCID ku muujiyey cudud iyo taageero aan la dhayalsan karin.

Anagoo soo wadna muuqaal video dhameys-tiran dhawaan insha Allah,hoos ka daawo sawiro badan oo qurux badan…IMG-20170423-WA0017IMG-20170423-WA0007 IMG-20170423-WA0016 IMG-20170423-WA0001 IMG-20170423-WA0000 IMG-20170423-WA0013 IMG-20170423-WA0005 IMG-20170423-WA0010 IMG-20170423-WA0003 IMG-20170423-WA0011 IMG-20170423-WA0017 IMG-20170423-WA0012 IMG-20170423-WA0018 IMG-20170423-WA0015 IMG-20170423-WA0014 IMG-20170423-WA0006 IMG-20170423-WA0004 IMG-20170423-WA0009 IMG-20170423-WA0008 IMG-20170423-WA0002

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here