Home Wararka “Guddomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Cilmayeysan Oo...

“Guddomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Cilmayeysan Oo Hufan U Tlmaamay Siyaabaha Looga Faa’iidaysan karo Dhaamka Xubma Weyne”

10
0

“Haddii Aynaan Samayn Qorshihii Dhaamka Looga Faa’iidaysanaayay, Carruurta Ayuun Baa Inagaga Dhiman Doonta” Faysal Cali Waraabe”

“Guddomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Cilmayeysan Oo Hufan U Tlmaamay Siyaabaha Looga Faa’iidaysan karo Dhaamka Xubma Weyne”

Guddoomiyaah xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa soo jeediyay in la sameeyo qorshe lagaga faaiidaysto biyo xidheen xumbo-weyne.

Waxa uu arrimahan ka sheegay Faysal Cali Waraabe xafladii furitaanka dhaamkaas “Biyihii waa la qabtay, laakiin ilaa hadda biyahan waxii lagu isticmaalayay garan maayo, Hargeysa lagama waraabin karo oo meeshan beero lagama samayan karo oo waxa la yidhi marka 500 M la socdo ayaa dhul balaadhan loo tagayaa, shantaas boqol ee mitir waxay u baahanayaan in la bamgareeyo oo haamo waaweyn oo kuwaas ka sii qaada la sameeyo, hadii aynaan samayn sidii looga faa’idaysanaayay caruurta ayuun baa inagaga dhiman doonta, carruurta halaga ilaaliyo yaanay moodin barkad oo aanay ku dabaalane, waxay ila tahay arintani waa wajigii koowaad oo biyahii waa la qabtay ee hadana sidii looga faa’idaysan lahaa waa in la galaa, haddii kale halkan ayay ku caaridi doonaan, waxaanu jecelnahay in aanay biyaheenu halkanba soo gaadhin, waa in aynu ku qabnaa kaynta ay ku soo bilaabmeen, ceelasheenu waa ay dhaadheeryihiin marka aad hawdkaas eegto markaas dhulkeenu waxa uu u baahan yahay in biyaha loo qabto oo biyo yar ay halkan soo gaadhaan, waxa hada dunida ka socda in dhibicda biyaha ah halkeeda lagu qabto, waan soo dhawaynaynaa, imaaraadkana waan u mahadnaqaynaa.”

Good Ka Daawo Warkaas Oo Muuqaal Ah

FB_IMG_1493217477586 FB_IMG_1493217454555 FB_IMG_1493217474387 FB_IMG_1493217461175 FB_IMG_1493217457871 FB_IMG_1493217490795 FB_IMG_1493217500996 FB_IMG_1493217494225 FB_IMG_1493217497625 FB_IMG_1493217504695 FB_IMG_1493217467624 FB_IMG_1493217487441 FB_IMG_1493217470945 FB_IMG_1493217451139 FB_IMG_1493217464226 FB_IMG_1493217480784 FB_IMG_1493217484198

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here