Home Wararka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Si Adag U Cambaareeyey...

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Si Adag U Cambaareeyey Weerarkii Ay Budhcadka Hubaysani Kusoo Qaadeen Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI

15
0

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee  UCID  Oo Si Adag U Cambaareeyey Weerarkii Ay Budhcadka Hubaysani Kusoo Qaadeen Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI 

img1482503512288
Hargeysa (UCID-Media Group ) Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay falkii foosha xumaa ee ay budhcad hubaysani todobaad gudahii kusoo weerareen laba siyaasi oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
Masuuliyiintan oo kala ahaa xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo  Cabdi Dool Oo Ah guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga UCID  ayaa waxay si adag uga hadleen falkaasi,waxaana ay sheegeen in falkani yahay mid aan loo dul qaadan Karin,sidoo kalena waxay baaq u direen laamaha amaanka iyaga oo ku adkeeyey inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii weerarkani gaystay ee waxyeelada soo gaadhsiiyay labadan masuul.img1482503554380

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here