Home Wararka Qayladhaanta Abaaraha iyo Socdaalka Gud/Mush. Faysal Ali Waraabe uu tagayo qaar...

Qayladhaanta Abaaraha iyo Socdaalka Gud/Mush. Faysal Ali Waraabe uu tagayo qaar ka mida dalal Khallijka.

20
0

Qayladhaanta Abaaraha iyo Socdaalka Gud/Mush. Faysal Ali Waraabe uu ku tagayo qaar ka mida dalal Khallijka.

 

20161224_154629

Musharaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa maanta ka amba baxay London isagoo qaylidhaan dhinaca abaaraha gaadhsiin doona qaar ka mid aha dalalka Khaliijka.

 

Guddoomiyaha wuxuu laba cisho ku hakan doona magaalada  Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta   isagoo kulan hore loo sii qorsheeyey la yeelan doona  hayda bisha Cas bis ee Imaaraadka Carabta kalana hadli doona sidii  gargaar degdega u gaadhsiin lahaayeen dadka ay abaaruhu halikeen ee ku barakacay Somaliland.

 

Ka dibna guddoomiyuhu wuxuu uga sii gudbi doona dalka  Kuwait oo uu xaaladda abaaraha kala hadli doono Dawladda iyo hayadaha khayriga ah isagoo ka faa’iidaysanaya xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya guddoomiyaha iyo madaxda Kuwait isla markasna wuxuu usii gogol xadhi doonaa in wafti dawladda Somaliland ka socda tago dalka Kuwait.

 

Guddoomiyahu wuxuu hore uga soo dhameeyey dawladda Kuwait iyo hayaddaha khayriga ahba mashariic badan oo dalka laga hirgeliyey kana mid yihiin School-ka Agoomaha ee Kuwait iyo mashaariic lagu kordhiyey dhinaca Wasaradda Caafimadka sida qalabaynta iyo dhismaha qaar ka mid ah Cusbitasladda Dalka.

 

Guddoomiyuhu wuxuu Khamiistii ka soo ambabaxay dalka Ethiopia isagoo udub dhexaad u ahaa qabsoomidii iyo gebagebadii shirkii is afgaradhka ku dhamaadey ee waftigii Somaliland iyo Khatumo ee Addis Ababa.

 

Waxaa la filayaa in Guddoomiyuhu markay hawlaha qayladhaanta Abaaruhu u dhamaadaan in uu si dhakhso ah ugu laaban doono dalkii si uu u dardargelyo hawla ka qabyada ah Xisbiga UCID oo xilligan aan wax carqaladihii hortaagney.

 

Guddoomiye Faysal oo ku sugnaa  laba habeen London wuxuu ingiriiska u yimid hawlo ku saabsan dhinaca dardar gelinta hawlaha Xisbiga iyo kulamo uu la yeeshay masuuliiyin iyo dad doonaya in ay Xisbiga ku soo biiraan.20161224_154629

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here