Home Wararka ENG. FAYSAL CALI-WARAABE OO SHARRAXAY SABABTA ISAGA IYO AMB. CAWIL LOOGU DARAY...

ENG. FAYSAL CALI-WARAABE OO SHARRAXAY SABABTA ISAGA IYO AMB. CAWIL LOOGU DARAY WADA-HADALLADII LALA GALAY KOOXDA KHAATUMO OO UU WADDANI DIBAD JOOG KA AHAA

14
0

“Madaxweynuhu 27 la-taliyayaal buu leeyahay, anigana wada-hadallada xisbi ahaan la iiguma soo darin, Cawil-na al-taliye ahaan looma keenine yaa arrintan wax ka qaban karaya oo khibradeeda leh oo waxan fahmi karaya, ayaa wada-hadallada la iigu soo daray”

“Wada-hadallada dambe laba meelood oo Ethiopia iyo Imaaraadka midkood ah baanu jecelahay inay ka dhacaan, waanu jeclayn inuu gudaha ka dhaco, weliba anigu waan jeclaa inaanu Buuhoodle ku qabanno,……”

faysal-cali-waraabe-1

Hargeysa:(UCID-Media Group)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ahna murashaxa madaxwaynaha , Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey natiijada kasoo baxday wada-hadalladii ay Somaliland magaalada Addisa Ababa kula yeelatay xubno ka socday kooxda Khaatumo, waxana uu si gaar ah u sharraxay sababta wada-hadalladaas loogu daray isaga oo xisbi mucaarid ah hoggaaminaya……”Eng. Faysal Cali-waraabe.

Eng. Faysal uu u warramay weriye Cabdi-salaan Hereri oo katirsan Telefishanka Universal, ayaa meesha ka saaray sheegashada kooxda Khaatumo ee ay ku doodaan inay wada-hadalkaas xaadireen iyaga oo maamul-goboleed Soomaaliya katirsan ah, waxana uu xusay in madasha la tegay iyada oo la yahay sidii hal qoys oo kale, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“laba dal ma jiraane hal dal baa jira oo adduunka oo dhammi yaqaanno, walaaladayna wixii ay doonaan ha sheegteene waa qoys is haya arrintani, maamulo Is hayaana ma jiraan waa hal qoys arrintu magacii la doonaba halla isugu yeedhee, annagu magacii aanu doono aanu sidano iyaguna ha sitaane haatan waanu is fahamnay oo wixii nuxurka lahaa baanu ka hadlaynaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata uu guddoomiye Faysal shaaca ka qaaday in guddi qaban-qaabo ay labada dhinac u magacaabi doonaan wejiga labaad ee wada-hadalladooda oo bisha dambe ee sanadka cusub mar labaad la iskugu soo noqon doono,“Guddi ayaanu toban cisho gudaheed ku samaynaynaa shirkaas kasoo wada shaqaysa sida uu dhici doono, iyagaanu ka war sugaynaa waxa ay soo gudbiyaan” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Waxa uu ka hadlay goobta ay ka dhici doonaan wejiga labaad ee wada-hadalladu, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu isagu jeclaa inay magaalada Buuhoodle ka dhacaan, waxana uu yidhi,“wada-hadallada dambe laba meelood oo Addis Ababa iyo Imaaraadka midkood ah baanu jecelahay inay ka dhacaan, waanu jeclayn inuu gudah aka dhaco, weliba anigu waan jeclaa inaanu Buuhoodle ku qabanno, laakiin qolada Khaatumo ayaa jeclaatay tan, annaguna waanu ku ixtiraamnay.”

Faysal waxa uu farta ku fiiqay in heshiiska labada dhinac gaadheen soo afjarayo xurgufihii labada dhinac dhex yaallay, waxana uu intaas ku daray inuu isagu bilaabay wada-hadallada oo uu dedaal gaar ah geliyey,“Heshiiskani waxa uu soo afjarayaa wax alla iyo wixii khlaaf taagnaa, anigaana arrintan ka shaqeeyey oo xataa dawladdu may xiisaynayn, meeshana looma eegayn xisbi iyo xisbi la’aane waxa loo eegay shakhsiyaad iyo yaa wax ka tari kara wada-hadallada, waxana ku jira Cawil oo aan xisbina ahayn” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Isaga oo si gaar ah sharraxaad uga bixinaya sababta isaga oo mucaarid ah wada-hadallada loogu daray, isla-markaana uu u fadhiistay madal uu ka maqan yahay xisbigii kale ee mucaaridka ahaa, ayaa waxa uu yidhi,“Madaxweynuhu 27 la-taliyayaal buu leeyahay, anigana wada-hadallada xisbi ahaan la iiguma soo darin, Cawil-na al-taliye ahaan looma keenine yaa arrintan wax ka qaban karaya oo khibradeeda leh oo waxan fahmi karaya, ayaa wada-hadallada la iigu soo daray.”faysal-cali-waraabe-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here