Home Wararka Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Xisbiga Ucid , waxa uu soo dhawaynayaa Qaraarka...

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Xisbiga Ucid , waxa uu soo dhawaynayaa Qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL.

15
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Xisbiga Ucid , waxa uu soo dhawaynayaa Qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL.

Qaraarka maxkamadu, waxa uu meesha ka saaray Xeerkii muranka badan dhaliyay ee Xeer Lr 14/2021, sidoo kalena waxa uu ayyiday xeerkii hore ee Xeer Lr 14/2011 oo horeba xisbiyadu isku waafaqsanayeen.

Xisbiga Ucid , waxa uu hoosta ka xariiqayaa in samaynta iyo wax-kabadalka xeerarka dalka ay xaq u leeyihiin Golayaasha Xeer-dejinta oo kaliya, suurta-galna aanay ahayn in Hay’adaha kale ee qaranku ay wax-kabaddal iyo kaabis ku sameeyaan xeerarka dalka.

Xoghayaha Guud Xisbiga Ucid
Sheikh Ibrahin Cabdi Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here