Home Wararka Daawo- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xaaladda...

Daawo- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xaaladda Dalk

22
0

Daawo- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xaaladda Dalk

Hargeysa(UCID-Media Group)”Muuse waxaan leeyahay, hadaad diido inaan kula tartanno, Marka wakhtigaagu dhamaado, ma oggolaanayno inaad sii fadhido, labada xisbi ma ogolaanayaan, kamana talinaysid halka ay joogaan taageerayaashayadu”

“Waan Bogaadimay Barlamaanka Uk, geesiyadii UK barbar-istaagay Dagaalkii Barma, waxay ahaayeen Somaliland, Ingiriiska waxaan leeyahay waxaanu idiinka baahanahay hiil intan ka badan”

“Reer Somalia, inta xaasidaysa Somaliland, waxaan leeyahay ku dhinta xaasidnimadiina”

“Guulaha ka imanaya dibadda maaha wax ay xukuumaddu ka shaqaysay ee waxaa ka shaqeeyay Shacabka Somaliland”

“Muuse Biixi, 1994-kii ayaan Finland kalasoo hadlay, waxaan ku idhi dalka dagaal ha galin, waakii galiyay iyadoon Cigaal ogayn, ilaa laga qaaday xilkii Wasiirnimana dalku muu dagin”

” Muuse Biixi wuxuu damcay in uu doorashada dib u dhigo, oo uu Xisbiyada meesha ka saaro, oo uu lasoo baxo laba xisbi oo uu ka guulaysan-karo”

“Waxaanu haysanaa shahaado 10-sanno ah, waxaana lanoo siiyay in aanu laba jeer ku tartanno”

“Muuse Biixi waxaan kula talinaya oon leeyahay, wanaagga-badan ee dalka u soo socda haka horgaynin muraadkaaga shakhsiga ah een meel-marka ahayn”

“Muusow Sidaad ugasoo hor jeedday muddo-kordhinta wakhtiyadii, Cigaal, Rayaale Iyo Siilaanyo-ba, maantana..,”

“Haddii ay doorasho dhici-waydo, dadkii inoo dadaalay ee Reer UK, waxay yidhaahdeen dhabarkaad naga jabinaysa”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xaaladda Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here