Home Wararka Waxaan Ka Digayaa In Arinka Cawo Xariir Raage Xeer Somali Iyo...

Waxaan Ka Digayaa In Arinka Cawo Xariir Raage Xeer Somali Iyo Oday Dhaqameed Uu Galo. Waa In Raga Dhamaantood Caddaalada La Hor Keenaa Oo Ay Xanuunka Dhandhamiyaan..

17
0

Waxaan Ka Digayaa In Arinka #Cawo_Xariir_Raage Xeer Somali Iyo Oday Dhaqameed Uu Galo. Waa In Raga Dhamaantood Caddaalada La Hor Keenaa Oo Ay Xanuunka Dhandhamiyaan..

Stockholm (Ucid-Media Group) Damqashada iyo xannuunka aan la qiyaasi karin ee aan ka damqaday ficilka iyo falka foosha xun, axmaqnimada ah ee ka baxsan bahalnimada ee lagula kacay Cawo Xariir Raage – waxan la wadadgayaa lana qabaa dad badan oo siyaabo kala duwan uga falceliyay. Waxan sidoo kale xannuunka iyo murragadaba la qaybsanayaa qoyskeeda.

Arrinkan xanuunka badani wuxuu marag iyo caddayn u yahay heerka uu gaadhsiisanyahay gaboodfalka iyo tacadiyada sida joogtada ah ay ula kulmaan hablaha iyo hooyooyinku goob kasta iyo goor kasta. Waxa kale oo ay muujinaysaa heerka basar xumada ee ka baxsan bini Aadminida ee bahalnimada ah ee ay gaadheen raggu. Waxa aan codasanayaa in caddaalada la horkeeno oo ay dhadhamiyaan xannuunka raga ka danbeeyay falkaa foosha xun, dhaqanka, diinta islaamka iyo baniaadminimada ka baxsan oo ay ku kaceen koox rag ah oo da’doodu iskugu jirto 15 jiro ilaa 60 jiro. Taas oo ah arrin kale oo xannuunkeeda leh.

Dhibaatada iyo xannuunka aan dareemayno ee ka dhashay kufsigaas bahalnimada ah ee walaasheen waxa ay inna xasuusinayaan baahida aadamuhu u qabo in uu helo nidaam adag oo isku haya bulshada, qawaaniin la raaco leh cidda qawaaniintaa iyo nidaamkaa raaci weydana ciqaab adag la mariyo. Nidaamka caynkaas ah iyo shaqooyinkaasi waa kuwa ay dawladduhu qabtaan. Mar kale dhacdadani waxa ay inna wada xasuusinaysaa baahida loo qabo garsoor adag iyo caddaaladd madaxbanaan oo salka ku haya shuruuc loo raaco .

Bal qiyaas meel nidaam dawladeed oo hufan oo shaqaynayaa ka jiro ma ka dhici lahaa waxa dhacay?
Sidee maamulka xaruntu iskugu dayi’ karaa in uu dado oo uu xataa waalidkii dhalay uga qariyo.

Waa in baadhis daah furan lagu sameeyaa xaalada Cawo.

Haddii uu falkani ka dhaco wadamada qaar qofka falkaa geystay ma ku badbaadi lahaa? Si kasta oo ay falal noocan ah ama kuwo la nooc ahi uga dhacaan waddamada aduunka, damiilayaasha waa kuwii la soo qabto ee sharciga iyo caddaalada la horkeeno.- Dabcan inaga waxa jira waxyaabo u sahlaya helista danbiileyaasha-.taas oo ay ka mid tahay ku dhaqan la’aanta sharciga iyo xeer jajabjka, iyo oday dhaqameed dambabasa oo duudsiya naf dhan xaquuqdeed.

Burburka ummadaha ku dhacaa kaliya ma saameeyo hantida muuqata ee la arki karo ( sida hay’addaha dawladda, daaraha, dhismeyasha, kaabeyaasha bulsho iyo adeegyada) waxa kale oo uu saameeyaa fikirka, caqliga, garashada iyo dadnimada bulsho. Labada saameynood, saamaynta maskaxda ayaa xeeldheer waxayna bulshadu noqotaa mid naxariista, damiirka iyo damqashaduba ka guurto

Cawo xannuun, kufsi, rafaad iyo jidh-dil nooc kasta ah oo ay la kulantay kadib, waa ay uuraysatay. Caasha iyo qoyskeedu waxa ay u baahanyihiin caddaalad iyo in dadkii falkaa bahalnimada ah geystay sharciga la hor keeno.

Waxa la inoo sheegay in maamulka xarunta agoomahu uu had iyo jeer ka qarin jirey marka aabaheed soo booqdo jalaabiib loo xidhi jirey Cawo.

Waxa hubaal ah in ay jiraan dad badan oo ka warhayey gobood falkaas waxashnimada ah.. Waa suurtagal ah in ay jiraan caruur kale oo badan oo goobtaas jooga ama ka ag dhaw oo iyaga laftoodana lagula kacay falkaan foosha xun lakiin qarinayo oo u qarinaya qaraabanimo. Walaaleyaal damiirka iyo dadnimadu hayna shaqayso oo yaynaan qarsan arxan darada noocan ah waa in la sameeyaa baadhitaan hufan oo daa furan oo madax banaan. Si loo abaal mariyo arxan laaweyaasha bilaa damiirka ah ee aan dadnimo iyo diintoona lahayn.

Cawo iyo qoyskeedu ha helaan caddaalad.

Aamina Nuur Siciid Guddoomiyaha Garabka Haweenka Sweden Ee Xisbiga Ucid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here