Home Wararka WAXA LA ISWAYDIIYAA XISBIGA UCID MAXAA LOO QABYO TIRILAAYAY , AANU GAADHNO...

WAXA LA ISWAYDIIYAA XISBIGA UCID MAXAA LOO QABYO TIRILAAYAY , AANU GAADHNO GOLAHAYAGA DHEXE SHIRKIISA , HALKAASAA LAGU DHISAA AXSAABTEE

15
0

WAXA LA ISWAYDIIYAA XISBIGA UCID MAXAA LOO QABYO TIRILAAYAY , AANU GAADHNO GOLAHAYAGA DHEXE SHIRKIISA , HALKAASAA LAGU DHISAA AXSAABTEEcabdilahi_2

HOOYO CAANO ISII , HORTA REERKU HA DEGO AYAY KU FALCELISAY HOOYADII ILMAHEEDU CAANAHA KA DOONAY :

London (UCID-Media Group) Bulshadeenu waxay is waydiisaa oo ay ka warhayaan axsaabta qaranka iyo qaab dhismoodkooda , taasina waa mid ay ku xisaabtamaan sidu u dhisanyay xisbigu , dabcan waa suaal haboon marka la doonayo in la ogaado dhismaha xisbiga .

Xisbi kastaaba waxuu leeyay xili uu u qoondeeyo dhismaha xisbiga oo dhamaystiran , xili kastaaba kuma haboona oo kalfadhiyada xisbigu ujoodooyin badan ayuu leeyiin .

Axsaabta sidaad ogtiin waxa lagu dhisaa shirka golahooda dhexe , halkaasoo lagu qabyo tiro xisbiga iyo hanaan ka uu u shaqaynayo , anagu ka xisbi ahaan , waxaanu rabnaa inaanu dhamaystirno xisbiga dhismihiisa si aanu ugu hawl galno siyaasada xisbiga .

Hadaba waxa xusid mudan in bulshadu la socoto hanaanka loo dhiso axsaabta qaranka o uu ka bilaabmo shirka golihiisa dhexe ee uu ku mudooyo dhismaha xisbiga .

Ilmahii yaraa ee hooyadii ka doonay caanaha inay siiso iyagoo socod ku jira waxay u sheegtay in marka reerku dego ay siin doonto caanaha inta ka horaysana socod lagu jiro , waxaanu idinleenay waanu soo dhisaynaa ee aanu gaadhno shirkayaga goleha dhexe , kaasoo shaxdii xisbigu ku hawlgalaayay ee uu ka duulaayay lagu dhamaystiri doono .

Bulshada reer somaliland waxaan la socodsiinayaa inuu gudoomiyuhu isagoo u maraaya nidaamka xisbiga uu cayimidoono oo uu ku wargelindoono xisbiga.

Bulshada somaliland waxaan leeyay bishu hortiinay iman hana degdegina o waxba ha dedejisenina ee waxaad ka war sugtaan shirkaa golaha dhexe ee uu kaso talindoono gudoomiyuhu .

Waxaan idin leeyay waanu dhisidoonaa xisbigee naga war suga oo aanu gaadhno shirkayaga goleha dhexe oo aanu ku dhisidoono dhamaan xubnihii xisbiga ka dhinaa golihiisii fulinta inta dhiman iyo jagooyin doora oo ay umada somaliland sugaysay mudadaba .

Waxa iyana meesha taala siyaasadi iyo barnaamijkii iyo istiraajiyadii xisbigu ka duulayay oo lagu salayndoono dhismaha xisbiga si uu xisbigu u hiigsado guulaha siyaasadeed ee u la damacsanyay bulsho waynta somaliland .

Dhawaan waanu idinka farxindoonaa markuu reerku dego ee halkii loogu talo galay la gaadho inta ka horaysa sabir iyo dulqaad ayaanu idinka rabnaa oo aydaan ka degdegin shirkaa golaha dhexe ka hor na aydaan waxba ku wareerin geedisocodka siyaasada somaliland oo qaybtayadii ka banaantay oo aanu buuxindoono kaalintii ay bulshadu naga sugaysay ee aanu ku lahayn .

Gudoomiyuhu fikirkiisa siyaasiga ahi ma yara mana gaabna oo meel dheer ayuu ka duulayaa siyaasad ahaan iyo xisbi ahaanba waa u heelanyay oo uu u tafoxaydanyay siduu uu usoo gaadhsinlahaa bulshada somaliland wax u cuntama o ay aqbalaan maankoodana ku quudiyaan siyaasiyan .

Shax siyaasadeedsan oo mugleh ayuu damacsanyay gudoomiyaha xisbigu isagoo ka duulaaya wadciga dalka ka jira iyo istiraajiiyada siyaasadeed ee uu ka duuli karo waana shakhsi u bisil waayaha siyaasada ee geyiga ka taagan.

waaad ogaydeen inuu gudoomiyuhu dhawaan kusoo maray safar dheer gobolada beriga kaasoo ku aadanaa sidii dadkaasi somaliland uga qayb qaadanlahaayeen siyaasadeeda oo ay masiirkooda umadeed ka tashanlahaayeen intaa iyo inkaloo ku aasani gudoomiyaha waa soo wadaa waanan ka dhursugaynaa hadii Alleh yidhaa .

 

UCID GUUL

Allah mahad leh .
Xoghayeha Abaabulka iyo Wacyigelinta Xisbiga UCID

Mudane Abdilahi Sheekh Xasan Dayaan ( kaiser )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here