Home Wararka GUDDOOMIYE ENG FAYSAL ALI HUSSEIN MAAHA KELIGII TALIS TALADA KA MAROORSADAY GOLAHA...

GUDDOOMIYE ENG FAYSAL ALI HUSSEIN MAAHA KELIGII TALIS TALADA KA MAROORSADAY GOLAHA FULINTA XISBIGA EE WADA SHAQAN BAA KA DHAXAYSA FIICAN

22
0

GUDDOOMIYE ENG FAYSAL ALI HUSSEIN MAAHA KELIGII TALIS TALADA KA MAROORSADAY GOLAHA FULINTA XISBIGA EE WADA SHAQAN BAA KA DHAXAYSA FIICAN :
cabdilahi_2
London (UCID-Media Group)
Guddoomiyuhu waa gudoomiye ku sifoobay wadatashi iyo nidaam hufan , waa gudoomiye xilkiisa gudan yaqaan , aqooniyo garasho ka muuqato lkn dadka raaligalintoodu waa yool fog oo aan la raali galin karin .

Waxaan arkaayay iyadoo la leeyay guddoomiyuhu xisbigii waxuu ka dhigay mid uu kelidii garaaraysto oo uu gooni ula baxay taladii xisbiga , waxaan leeyay waxba kama jiraan wararkaas .

Sideedaba aadmigu waa hawlo badan yay , waa mid dood badan oo waa abuur ku abuuran inuu siduu doonayo wax u macnaysto lkn waa ka duwantay xaqiiqada meesha taalaa .

Gudoomiyuhu waa gudoomiye bisil , aragti dheer leh u dhuun daloola siyaasada geyiga ka jirta , horumar jecel , dal jecel , aragti siyaasadeed oo balaadhan leh , waa haldoorka dalkani leeyay ee uu Alleh ku manaystay , waa shakhsi ka badheedha badhaadhaha dalka cidna u daba fadhiisan , waa shakhsi laab balaadhan oo aan koobnayn ama dabranayn oo duufaano reero aanay sidan laabtana uga guuxin reernimadu .

Hadaba waxa beryahan danbe ka jirtay guux ay abuureen masuuliyin qaarkood xisbiga la soo shaqeeyeen iyo qaar kale oo taageero ah oo isku haystay inay xubno yihiin lkn aanu xisbigu u aqoonsan xubinimadooda .

Dhawaan xubnihii iska casilay North America , iyagoo iskugu jiray qaar xisbiga ka tirsan iyo qaar taageero ahaa oo isku haystay xisbiga oo aan ahayn gudahana xisbiga ugu jirin , ( Canada ) waxay kula dul kufeen gudoomiyaha eedo aanu lahayn iyagoo ku tilmaamay inu yahay keligii taliye , taa waan beeniniyaa anigoo daliil na uga dhiganaya wada shaqaynta xisbiga iyo gudoomiyaha ka dhaxeeysa .

Gudoomiyuhu weli ma qaadin talo uu keligii cidla ula baxay oo aanu ka wargelin golihiisa fulinta , gudoomiyuhu markasta oo uu cid magacaabayo ama uu cid xilka ka qaadayo ama uu siyaasada xisbiga jihaynaayo waxuu kala tashadaa gudidiisa fulinta taana waxa ka markhaatiya waraaqaha ku duugan nidaamka xisbi ee warbaahinta la siiyo ee sidaa lagu dhaqan geliyo , maaha qaar uu been abuurasho u qoro gudoomiyuhu , maaha qaar u kelidii usoo gudbiyo shacabka reer soomaliland , maaha mid uu gooni go’aan uga qaatay , ee waa mid uu ku wargeliyo markasta gudida fulinta ee xisbiga , taasina waxay tilmaamaysaa bisaylka uu u leeyahay arimaha hogaanka iyo xisbiga , iyo bisaylka uu ka qabo wada shaqaynta .

Anigu weli ma arag talo uu si fudud ugu dhaqaaqay ilaa uu ka wargeliyo goleha fulinta ee heer qaran , anigu intaanu wada shaqaynaynay muu gaadhin talo uu kelidii leeyay , ilaa uu mariyo nidaamka xisbiga u yaala .

Waxaan ka codsnayaa cida ka cabanaysa xisbiga inay dhawraan hanaanka xisbiga iyo wada shaqaynta oo sidii markii horeba loogu igmaday xilka ee ka talo galinta xisbiga inay iyaguna xilka markay ka baxayaan ama xilka iska casilayaan ay maraan hanaankii xisbiga ee wergelinta ahayd , waa marka la doonayo nidaam aad cid kaga cabanaysid inaanad adigu ku kicin , adoo wax qasaaya cid ha ku eedayn qas iyo fawdo ilayn waadigan kelidaa wado aanu xisbigu qabin ula baxee .

Xubnaha xisbiga ee aan ka diiwaan gashanayn xisbiga iscasilaadoodu macno kuma fadhido ee dad badanoo xisbiga aan u diiwaan gashanaynbaa isku haysta inay xisbiga laab la kacooda kaga tirsanyin , marka hore xisbiga ha kusoo biiraan oo haloo aqoonsado xubin ka tirsan xisbiga hadii kale waa qof cidla ka onkoday .

Gudoomiyuhu haba yaraatee talo uu maroorsaday ma jirto ee waa mid ka wargaliya xaalada xisbiga iyo taladisaba goleha fulinta waana maraa nidaamka xisbiga uga yaala siyaasada lkn dadkii baa waxay noqdeen qaar iyagu jecel inay xisbigii fikirkooda iyo rabitaankooda ku hogaamiyaan o iyagu jecelba inay metalaan post kii gudoomiyaha arimahana wa la kala leeyay ee madaxa iyo mijoha xisbiga ha loo kala socdo markaasaa qofkastaaba wadadiisii qaadaayaaye .

Haduu qofku jeclaysto inuu daaqada ka boodo waxba yaanu sii gelelefin xisbigee ha ka boodo uun geedigu waa soconayaa , waana gudayaaye , waxa uu qofku gaadhay heer aanu sii wadikarin siyaasadii xisbigaas waxaana u hadhaya siyaasada intaa u joogta ee qabta in laga gungaadho ujeedooyinka fog ee xisbiga laga leeyay ee uu gudoomiyuhuna hogaanka uga yahay .

Dhamaan xubnaha xisbiga ka soo shaqeeyey waanu uga mahad celinaynaa shaqadii ay kasoo qabteen xisbiga intii ay joogeen , waana ku mahadsanyiin mudadii ay joogeen xisbiga , waxase xusid mudan inay siyaasadu gedgedoon badantay oo ay wejiyo badantay , oo uu qofku heer uun uu shaqaynkaro markuu fahmikariwaayana uu ka hadho tareenka lkn maaha xisbigii baa istaagay oo halkaa heegu ugu go’ay .

Xisbigu hada waxuu qaaday wadadii uu ku gaadhilahaa inuu ka midho dhaliyo ujeedooyinkii loo sameeyay taana gudoomiyuhu maaraynteeda iyo hagideeda waanu ku kalsoonay waananu la shaqaynaynaa si daacada oo hiil iyo hooba leh si dalkani u gaadho nidaamka axsaabta tirada badan ee lagu badhaadhaystay ee ku dhisan dawlad dadku leeyiin inay doortaan .

Allah Mahadleh

Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyigelinta Xisbiga UCID
Mudane Abdilahi Sheekh Xasan Dayaan ( Kayser )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here