Home Wararka War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka

War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka

17
0

War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

201619635879349886523276Doorashooyinka_Somaliland_heshiis (1)

“Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay uga mahadnaqayaan saddexda xisbi Qaran iyo Madaxtooyadaba kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ay ilaa hadda si fiican u wadaan.

 

Haseyeeshee, waxa soo baxaya cabashooyin isa soo taraaya oo u muuqda olole siyaasadeed oo ay wadaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, gaar ahaan labada gobo lee Togdheer iyo Awdal, haddaba, si looga hortago soo noqnoqodka dhacdooyinkan oo horseedi karta in la majara-habaabiyo habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo hawsha diiwaangelinta ku taariikhaysan 07/03/2016 ee Guddiga Ilaalinta Anshaxa Codbixiyayaasha wuxuu soo saaray awaamiirtan.

 

    1:In laga bilaabo 28th March 2016 saddeda Guddoomiye xisbi Qaran aanay tagi karin Gobolka Diiwaangelintu ka bilaami doonto muddo 10 casho ka hor maalinta diiwaangelinta.
    2: In Guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran oo wata min labaatan xubnood ay ka soo qaybgalaan maalinta daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Gobol kasta iyagoo xisbi waliba wato ugu badnaan 15 baabuur oo leh sumadooda gaarka ah, mikrifoon iyo sawirro, waxaanay gobolkaas ku sugnaan karaan maalinta bilowga diiwaangelinta iyo sagaal maalmood oo ka dambeeya.

 

    3: Waxa looga digayaa xisbiyada Qaranka in aan la ogolayn in lagu arko magaalooyinka boodhadh iyo sawirro lagu xardhay murrashaxiin sheeganaya in ay u tartamayaan Baarlamaanka ka hor muddada uu sharcigu u fasixi doono oo go’aankiisa soo saari doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

 

    4: Xisbi kasta oo jabiya awaamiirtan Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa lagu ciqaabi doonaa Xeerka Diiwaangelinta, Xeerka Hab-dhaqanka Diiwaangelinta Codbiiyayaasha iyo xeerarka kale ee Qaranka ee khuseeya Doorashooyinka.”

 

Alla Mahad Leh

 

Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan.FB_IMG_1457514132345

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here