Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dacwad Uu...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dacwad Uu U Gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka

18
0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dacwad Uu U Gudbiyay Guddida Doorashooyka Qaranka
Screenshot_2016-03-08-12-33-32-1-1-1
Hargeysa(UCID-Medai Group ) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraab e ayaa ka hadlay dacwad uu u gudbiyay gudida doorashooyinka qaranka somaliland isla markaana uu masuuliyiinta xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ku eedeyey inay wadaan olole siyaasadeed

Dacawdan uu guddoomiyihu u gudbiyay komishanka doorashooyinka qaranka ayaa timi ka dib markii ay komishanka doorashooyinka qaranku shaqadoodii qabsan waayeen , wuxuu ku eedeeyay komishanka in ay u ogalaadeeen kulmiye iyo waddani inay kaanbayn aan wakhtigiisi la gaadhin bar bar wadaan diiwaangalinta.

Waxana uu guddoomiyuhu hadalkan ka sheegay kulan ay guddidu iskugu yeedheen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran oo ay kaga hadlayay arimaha diiwaangalinta, sidoo kalena ay kaga hadlayen dacwada uu usoo gudbiyay gudoomiye Faysal waxaana uu yidhi.

“Kulankani waxa uu daraanaa waxa weeye waad ogtihiin diwaangalintu horey inoo soo martay sanadkii 2009,ha qaldanto aaladii lagu shaqaynayay laakiin nidaamkii kale si fiican ayuu u socday, wax dacwada oo ka yimi saddexdii xisbina may jirin, doorkan waxa dhacday inaan anagu dacwad keenay ka UCID ahaan, waxaanan ka cabanaynay labada xisbi ee kale kormeerkii waxay ka dhigeen olole, sidii tartanka loo gali jiray si ka qaldan ayay u galeen, Burco waad ogaydeen sidoo kale Awdal na waad ogaydeen waxaa lo rogay kormeerkiiba kaanbayn doorasho”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Faysal.

Guddoomiye Faysal isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“kaambaynku wakhti la gallo ayuu leeyahay oo ah markay musharaxiintu soo baxaan, hadalkoo dhana la dhameeyo ayaay muddo qabtaan komishanku taasanan maanta u nimi oo dacwada ugu soo gudbinay gudida, oo waxaan ka hor tagaynay inay waxii Awdal ka dhacay ay Saaxil oo rabshado ka taagan yihiin wali ay ka dhacaan”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Faysal

Geesta kale guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay khaladaadka ay galeen ay sixi doonaan isla markaana ay qaadan doonaan go’aanka guddida doorashooyka Qaranka.

Waxaa kale oo isaguna goobta ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo sheegay in ay kulmiye iyo Wadani yara dheereeyeen. Halka Eng Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay labada hogaan ee xisbiyada wadani iyo kulmiye kuwo socdbarada.
Dhanka kale wali isagoo hadalkiisa sii wata gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay waxyaabihii ay ka wada hadleen guddida waxaana uu yidhi:-

“Guddida waan is aragnay iyo kooxdii la sameeyey xeerkii :Code OF Condec”ayaa hada la adkaynayaa waanan isku af garanay in arinka laga daayo kaambaynka, anaguna hadii laga taggi waayo waxa nagu soo hagaagayaa waxa weeye inaan kormeer kusoo samayno goobaha diiwangalintu ka socoto oo soo indho indhayno siday wax u socdaan, cidii qaldana waxaan jecelnahay inay qaladkooda jojiso oo sharcigu qabto oo shaqeeyo sharcigu sidaasanan ku dhamaysanay”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

 

Si kasteba ha ahaate Guddida Doorashooyka Qaranka iyo guddida anshaxamarintu saaka waxa ay go’aamo ku Aadan hab dhaqanka xisbiyada muddada ay socoto diwaangalinta codbixiyayaashu waxa ay mabnuuceen in aan la qaadan karin wax in uun ah calaamad ama Astaan xisbi.

Sida calamaan, stickers koofiyado, garamaan, iyo wixii la mida.

Mudada ay joogi karaan gobolada ay ka socoto diwaangalintuna waxa loo xadiday in ay tahay afar dharaarood.
Waxa kale oo komishanku soosaaray in ay xisbiyadu ku tagi karaan tiro kooban oo dad iyo gaadiidba ah
Halkan Ka Daawo Warkan Oo Dhamays Tiran 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here