Home Wararka Wada Hadaladii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Furmay + Guddida Khaatumo Iyo Cali...

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Furmay + Guddida Khaatumo Iyo Cali Khaliif Oo Dalbaday In Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Aanu Ka Tagin Wada Hadaladda Bilawga Ah + Sawiro

14
0

Waxa saaka magaalada Addis-ababa ee dalka Ethopia si rasmi ah uga fumay wada hadaladii Dawlada Somaliland iyo Khaatumo kaas oo loo balansanaa inuu saaka furmo.

Waxaana wada hadaladan oo dhawr jeer dib u dhacay uu saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Addis-ababa, waxaana kulmay masuuliyiintii ka kala socday Somaliland iyo Khaatumo ee mid kasteba dhinaceeda u soo wakiilatay wada hadaladan.

Xogo kasoo baxaya wada hadaladan saaka bilaabmay ayaa sheegaya In labada dhinacba is barasho ka dib ay si wanaagsan u lafa-gureen nuxurka waxa laga wada hadlayayo oo qoddobada qaarkood hore loogu heshiiyey waxaana ay xogahani sheegayaan in badankooda si wanaagsan layskula afgartay..

Geesta kale Xogaha ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah xubnaha Guddida matalaysa Somaliland, ayaa ka tagay Wadahadaladaasi, isagoo u sii jeeday Dalka UK, oo uu safar shaqo ku tagayay, balse waxaa Socdaalkiisaas baajiyay Guddida ka socota Khaatumo, kuwaas oo dalbaday in aanay wada hadalada la sii wadayn Somaliland Hadduu Gudoomiye Faysal ka baxo, Waxaanay taasi ay sabab u noqotay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu baajiyo safarkiisi Dalka UK .

Guddida Matalaysa Khaatumo ayaa sheegay in Gudoomiye Faysal cali waraabe ahaa bud-dhigaha Wada-hadalladan, iyagoo sheegay in Faysal uu dadaalo badan ku bixiyay arrintan muddo dheer, sidaas daraadeed-na ay muhiim tahay in uu ka mid ahaado Wada-hadalada .

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa la sheegay in uu dabada ka riixayay hindisahan lagu baajiyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo ayaa la filayaa in maalmaha Soo socda ay halkaasi ka sii socdaan.

 

 

15416849_1359250850773477_2010224882_n 15554815_1359037994128096_1710880143_n-1 15556033_1359038104128085_428103099_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here