Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Muxaadaro (Public Lecture ) U Jeediyay Ardayda Reer...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Muxaadaro (Public Lecture ) U Jeediyay Ardayda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barta Jaamacadaha Dalka Ethopia + Sawiro

19
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID ayaa Public Lecture U jeediyay, Ardayda Reer Somaliland Ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Ethopia .

Kulan aqooneed-kan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb Ardayda Reer Somaliland Ee wax ka barata Dalka Ethopia .

Gudoomiyaha ayaa halkaasi ka jeediyay Public Lecture ku Saabsan “ Somaliland The Way Forward ” oo ah, Somaliland Halkee ayay u socota .

Waxaanu Gudoomiyuhu Lecture-kan uu ku soo bandhigay, kagana waramay Sooyaalkii taarikheed Ee ay Somaliland Soo martay, isagoo mid walba wakhtigeedii iyo waayaheedii uu mid walba  dul istaagay .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka hadlay Mustaqbalka Somaliland iyo sida lagu gaadhi karo, isagoo meelo badan ka istaagay, waxaanu rajjo fiican ka muujiyay Mustaqbalka Somaliland .

Gudoomiyaha ayaa jawaabo waafi ah ka bixiyay, su’aalo kala duwan oo Ardaydu waydiiyeen Gudoomiyaha .

Gudoomiyaha ayaa noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee ardayda Reer Somaliland ee wax ka bartay Dalka Ethopia, wakhti intaa leeg ku bixiyaa, isla markaana la wadaaga taariikho iyo waayo aragnimo badan .

Ugu danbeentii Ardayda Reer Somaliland Ee wax ka barata  Ethopia ayaa si wayn ula dhacay Public Lecture-kan uu u jeediyay Gudoomiyuhu, iyagoo tilmaamay in ay wax badan ka kororsadeen Lecture-ka Gudoomiyaha, kana gunteen taarikho badan oo dalku soo maray .

 

b1 b2 b3 b4 b5 b6

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here