Home Wararka “Shacabka Reer Somaliland Way Ku Qaylinayaan Xataa Hadii Laylatul Qadri Uu U...

“Shacabka Reer Somaliland Way Ku Qaylinayaan Xataa Hadii Laylatul Qadri Uu U Yimaado” Guddomiyaha Xisbiga UCID

19
0

“Shacabka Reer Somaliland Way Ku Qaylinayaan Xataa Hadii Laylatul Qadri Uu U Yimaado” Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Xubno Ka Mid Ah Madaxda Xisbiga UCID . Xoghayaha Arimaha Bulshada Md Cabdiraxmaan Axmed Cali , Xoghayaha Guddda Fulinta Md. Axmed Quick. Xidhidhiyaha lamaha ddbedda Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali. Ayaa ka qaybgalay Sanad Guuraadii 39aad ee Dalka jabuuti 27 Jun Oo Ah Maalintii Xuriyadayada Ay Ka Qaateen Gumaysigii Faransiiska Oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ayaa dawlada iyo shacabka Jabuuti ugu hambalyeey munaasabada 39 guurada ka soo wareegtay madaxbanaanidoodii iyo siday ugu faro adaygeen dawladnimadooda.

Geesta Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada reer Somaliland ku sheegay inay waxkasta ku qayliyaan xataa hadii ay Laylatulqadri u yimaado ,Faysal Cali Warabe oo ayaa hadalkani ka sheegay mar uu xalay ka hadlayay munaasibada 27 juun ee xornimada dalka jabuuti waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dad Dab ka Dhex Shidaaya Somaliland iyo Jabuuti .

Eng Faysal Cali Warabe waxa uu sheegay inay khaldan yihiin dadka kasoo horjeeda Maalgalinta dekeda berbera oo ay siyaabo khaldan uga hadleen balse loo baahan yahay in dekedu noqoto mid la tartan dhigeeda.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dadka baryahan isku khuukhinaya jabuuti iyo Somaliland waar yaa idin yidhi jabuuti way ka xanaaqaysaa horumarinta dekeda berbera ,dekeduhu way is camiraan waxan leeyahay mashruucaasi waa mshruuc wanaagsan oo dhaqalaheena iyo siyaasadeenaba waxwayn ayuu ka tari doonaa,reer Somaliland xataa haday laylatulqadri arkaan way ku qaylinayaan..”Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.FB_IMG_1467194125956FB_IMG_1467194135216FB_IMG_1467194146598

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here