Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Qeyb Galay Shir Saddex Geesood Ah Oo...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Qeyb Galay Shir Saddex Geesood Ah Oo Ka Dhacay Madaxtooyada, Sidoo Kalena Ka Hadlay Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada In La Kala Qaadayo Iyo In Kale + Sawiro

18
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka qeyb galay Kulan saddex geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Shir-gudoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxda Axsaabta Qaranka kaas oo ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland .

Ujeeddada kulankan ayaa daarnaa sidii looga wada hadli lahaa Diinwaangalitna ka bilaabmi doontaa gobolada Bari ee Somailand .

Sidoo kale waxaa kulan lagu lafo guray Qabyada ka jirta qaabka loo soo dooranayo Mudanayaasha Golaha Wakiilada iyo SIda loo qaybinayo Kuraasta .

Waxaana ugu danbeen loo ballamay in Madaxda saddexda Xisbi Qaran Maalinta Khamiista ah  isku yimaaddan oo la gudo galo Doodda ku aaddan sidii loo qabyi tiri lahaa qaabka loo galo Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo sidii la isula meel dhigi lahaa qeybinta Kuraasta Golaha Wakiilada .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta u warramay ayaa carrabka ku adkeeyay Heshiiskaasi iyo ballanta la galay ee Maalinta Khamiista ay isku imanaayan Axsaabta Qaranku .

War-fidiyeennada oo Gudoomiye Faysal Wax ka waydiiyay waxa ka jira wararka Sheegaya in la kala qaadayo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada, ayaa waxaa uu ku jawaabay Gudoomiye Faysal “ Horta immika waxa miiska Saaran in Labada doorasho Bisha Sadexaad ee March Ay dhacaan, wax kale oo jira oo laga doodaa de ma jirto, waxa suuqa laga leeyahay maaha, maxkamad ayaa saartay, waa la isku raacay idamka allena sidaasi wakhtigeeda ku dhici doontaa ” Ayuu hadalkiisa ku Soo Gunaanaday Hogaamiyaha Mucaaradka Somaliland Mudane Faysal Cali Waraabe .

 

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Ka Dhacay Madaxtooayda .

 

 

ma2 ma3 ma5 faska

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here