Home Wararka Qaar Ka Mid Ah Haldoorka Iyo Labeenta Dhalinyarada Aqoonyahanka Ah Ee Hargaysa...

Qaar Ka Mid Ah Haldoorka Iyo Labeenta Dhalinyarada Aqoonyahanka Ah Ee Hargaysa Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, Isla Markaana Uga Mahad-Naqay Dadaalka Uu Galinayo Midnimada Iyo Horumarka Somaliland + Sawiro

11
0

Kulankan Cashor-sharafta ah ee ay dhalinyaradu u fidiyeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo xalay ka dhacay Hudheelka Hiddor-Dhawr ayaa daarnaa is xog-waraysi iyo muxaadaro (Lecture), uu u jeediyay Gudoomiyuhu dhalinyaradaasi, kaas oo ku saabsanaa Nabadeentii Somaliland ee 1996-kii Iyo Nabadeenta Hadda ka socota Gobolada Bari Ee Somaliland .

Ugu horayn Gudoomiyaha ayaa si qotto-dheer uga warramay Sooyaalkiisi taariikheed, sidoo kale wuxuu dul-istaagay Taarikhdii Nabadeentii Somaliland Ee 1996-kii oo uu ka mid ahaa Guddidi Nabadda .

Gudoomiyuhu wuxuu ka waramay maraaxilkii Ay Guddida Nabaddu ay soo martay wakhtigaasi iyo duruufihii ku gadaamnaa, Caqabadihii ka hor-yimid iyo siday uga gudbeen .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka waramay dadaallada uu hadda ku jiro ee nabadeenta Gobolada Bari iyo midnimada Somaliland, waxaanu tilmaamay in rajjo fiican ka qabaan  wada hadaladda Somaliland Iyo khaatumo .

Gudoomiyaha ayaa ka waramay maraaxilkii wada hadalada Somaliland Iyo Khaatumo Soo mareen, waxaanu farta ku fiiqay caqabadaha hor taagan in Beelaha Deegaanka Gobolka Sool ay wax ula qaybsan la’yihiin dalkooda Somaliland iyo qaabka ugu haboon ee looga gudbi-karo .

Ugu danbeen Waxaa halkaasi ka hadlay laba ka mid ah dhalinyaradii Kulanka ku sugnayd, waxaanay ka markhaati-kaceen dadaalka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Galiyay midnimada iyo horumarka Somaliland, iyagoo sheegay in ay aad ula dhacsan-yihiin wadaniyadda Gudoomiye Faysal iyo daacadnimadiisaba .

Kulankan oo ay soo agaasimeen dhalinyaradu ayaa ahaa mid ay dhalinyaradu ay ugu mahad-naqaysay Gudoomiyaha dadaalkiisa uu ugu jiro Somaliland Midnimadeeda iyo wada jirkeedaba, waana Kulan ugub ku ah Dalka, maadaama aanay hore u dhicin kulan sidan oo kale ah oo kulmiya aqoonyahanka iyo labeenta dhalinyarada ku dhaqan Dalka Somaliland .

Dhalinyaradan ayaa waxaa si gaar ah u soo jiitay dadaalkii xooggana ee mudooyinkii u danbeeyay uu Gudoomiye Faysal cali Waraabe galiyay wada hadaladii Khaatumo iyo sida uu had iyo jeer uu danta guud, Wada-jirka Iyo Midnimada Somaliland uga shaqeeyo .

 

IMG_5576 IMG_5578 IMG_5580 IMG_5582 IMG_5585 IMG_5594 IMG_5595 IMG_5597 IMG_5603 IMG_5609 IMG_5611 IMG_5615 IMG_5618 IMG_5623 IMG_5625 IMG_5626 IMG_5627 IMG_5632 IMG_5633 IMG_5634 IMG_5654 IMG_5662 IMG_5663 IMG_5665

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here