Home Wararka Guddoomiyaha Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faisal Ali Warabe...

Guddoomiyaha Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faisal Ali Warabe oo London Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay.

14
0

Guddoomiyaha Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faisal Ali Warabe oo London Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay.
IMG-20170225-WA0031
London (UCID-Media Group) Musharaxa Xisbiga UCID ahna Guddoomiyaha Xisbiga Eng Faisal Ali Warabe ayaa habeenimadii xalay safar shaqo ku gaadhay magaalada London. Gudoomiyaha ayaa waxaa Heathrow Airport si heer sare ah ugu soo dhoweeyey masuuliyiin heer qaran ee Xisbiga UCID oo hada London ku sugan uuna hogaaminayey Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID mudane Said Ucid isla markaana ay weheliyeen Xoghayaha Maaliyada Xisbiga mudane Mustafe Ibrahim, Xoghayaha Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah mudane Mohamed Yassin iyo masuuliyiin kale oo Xisbiga laantiisa UK ka tirsan.

Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmi doono Jaaliyada reer Somaliland ee UK iyo taageerayaasha Xisbiga UCID oo si xawli ah oo aan hore loo arag kor ugu kacay bilihii u danbeeyey.

Guddoomiyaha oo mudooyinkii u danbeeyey si weyn ugu hawlanaa siduu ula tacaali lahaa xaalada abaaraha Somaliland ku habsaday iyo sidii uu reer Somaliland u midayn lahaa isagoo si weyn ugu kala dab qaaday Qaranka Somaliland iyo ururka Khaatumo taasoo uu Guddoomiye Faisal guul weyn kasoo hooyey. Dhanka kale wuxuu gudoomiyuhu si weyn isugu hawlay sidii ay Somaliland caalamka xidhiidh wanaagsan oo dhanka horumarka ah ula yeelan lahayd isagoo Dawlada Somaliland si weyn uga tageeray sidii ay heshiisyo ula geli lahayd DP World iyo Saldhiga Military ee Dawlada Imiraadku Berbera ku yeelanayso. Umuurahan is barkan iyo guulaha is daba jooga ah ee Gudoomiye Faisal soo hooyey ayaa loo sibir saaraya sababaha taageerada Xisbiga UCID cirka isugu shareertay.

Dhanka kalena Guddoomiye Faisal iyo wafti uu hogaaminayo oo London kaga biiri doona ayaa la sheegayaa inay u kicitimi doonaan wadanka Colombia halkaasi oo ay kaga qayb gelayaan shir caalami ah oo ururada Socialist -ku halkaasi ku yeelanayaan.IMG-20170225-WA0035

IMG-20170225-WA0034

IMG-20170225-WA0033

IMG-20170225-WA0031

IMG-20170225-WA0030

IMG-20170225-WA0029

IMG-20170225-WA0028

IMG-20170225-WA0027

IMG-20170225-WA0023

IMG-20170225-WA0022

IMG-20170225-WA0021

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here