Home Wararka Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid Oo Xadhiga Ka Jaray Xarun...

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid Oo Xadhiga Ka Jaray Xarun Cusub Oo Xisbigu Ka Furtay Magaalada Berbera Iyo Soo Dhaween Diiran Oo Lagu Qaabilay Waftiga Gudoomiyaha + Sawiro

15
0

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta xadhiga ka jaray Xafiis cusub oo Xisbigu ku yeelan Doono Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil .

Gudoomiyaha ayaa markii uu soo gaadhay Xarunta Cusub,waxaa uu soo dhawayn diiran kala kulmay qaar ka mid ah Taageerayaasha Gobolka Saaxil, waxaana halkaasi ka dhacday Xaflad Kooban oo lagu furayay Xaruntaasi .

Waxaa halkaasi ka hadlay Odayaal, Haween Iyo Dhalinyaro kuwaas oo dhamaantood muujiyay taageerada uu Xisbigu ku leeyahay Gobolka Saaxil, waxaanay cod-dheer ku sheegeen in ay xisbiga ku taageereen Mabada’a, oo aanay sabab qabiil ugu soo biirin, ugana bixi doonin .

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Mudane Mustafe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xafladdani tahay mid kooban oo lagu furayay uun xarunta, waxaanu sheegay in Gudoomiyuhu ka codsaday in aanay qaban xaflad wayn, maadaama abaaro lagu jiro .

Gudoomiyuhu wuxu ballan-qaaday in ay dar-dargalin doonaan hawlaha Xisbiga Ee Gobolka Saaxil .

Ugu danbeen Waxaa Halkaasi ka hadlay, soona gunaanaday Xafladaasi Gudoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu ugu horeen xadhiga ka jaray Xafiiska Cusub ee Xisbiga, isagoo halkaasna ka jeediyay Khudbad Dhinacyo badan taabanaysaa .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Magaalada Berbera Tahay Gobolkii labaad ee Xisbigu Xarun Ka yeeshay wakhtigii xisbigan la aasaasay, waxaanu ku dardaaaray bulshada Gobolka Saaxil in ay codkooda Siiyaan Murashaxa Dalkiisa iyo dadkiisaba horumarka gaadhsiinayaa .

Gudoomiyaha ayaa u mahad-naqay Taageerayaasha Xisbiga Ee Gobolka, waxaanu sheegay in marka abaartu baxdo ay isku soo laaban doonaaan .

 

IMG_5322 IMG_5328 IMG_5331 IMG_5336 IMG_5337 IMG_5343 IMG_5345 IMG_5346 IMG_5347 IMG_5348 IMG_5350 IMG_5357 IMG_5359 IMG_5364 IMG_5372 IMG_5376 IMG_5378 IMG_5386 IMG_5389 IMG_5392 IMG_5402 IMG_5406 IMG_5416 IMG_5419 IMG_5420 IMG_5423

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here