Home Wararka Murashaxiinta Golaha wakiilada iyo Deegaanka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera Eng Axmed...

Murashaxiinta Golaha wakiilada iyo Deegaanka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera Eng Axmed Cali Nuur iyo Maxamuud Maxamed Jaamac, ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo qaar kamid ah hogaanka iyo xoghayayaasha Xisbiga Ucid .

17
0

Hargeysa ( UCID-MediaGroup) Murashaxiinta Golaha wakiilada iyo Deegaanka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera Eng Axmed Cali Nuur iyo Maxamuud Maxamed Jaamac, ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo qaar kamid ah hogaanka iyo xoghayayaasha Xisbiga Ucid .

Waxaana kasoo qeyb-galay, Xildhibaano, Madaxdhaqameed, Ganacsato iyo dhallinyaro.

Ujeeddada Casuumaddan ayaa ahayd mid ay odayaasha iyo madaxda Dhaqanka ee Deegaanka ay kasoo jeedaan labadan Murashax ay ugu mahad-naqayeen Guddoomiye Faysal, Maadaama uu aqbalay Murashaxnimada labadan Murashax.

Waxaana Murashaxiintan wehelinayay Odayaasha Iyo Madax-dhaqameedka Deegaanka ay kasoo jeedaan,

Waxaa halkaas ka hadlay xubno isugu jiray Madax-dhaqameed Iyo Odayaal, waxanaay sheegeen in labadan Murashax ay yihiin labadii Murashax ee Deegaanku soo xulay iskuna Raacay.

Guddoomiye Faysal Oo gabo-gabadii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aqbaleen labadan Murashax isla markaana ay kamid noqon-doonaan Murashaxiinta Xisbiga Ka sharraxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here