Home Wararka Murashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiyada UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Dalka Ku...

Murashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiyada UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Dalka Ku Soo Laabtay , Kana Hadlay Qodobo Xasaasi Ah + Eeg Sawirada + Dhagayso

20
0

Murashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiyada UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Dalka Ku Soo Laabtay , Kana Hadlay Qodobo Xasaasi Ah + Eeg Sawirada + Dhagayso
“ Labada Xisbi Ee Waddani Iyo Kulmiye Iyagaa Is Wattay , Doorashadiina Iyaga Is Wattay Oo Isugu Shubayay Oo Xulufo Ayay Ahaayen , Xoolihii Umaddana Labaduba Way Isticmaalayaan ..”

 
Hargaysa(UCID-Media Group)- Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo safaroo kala duwan dalka kaga maqnaa ayaa saaka subaxnimadii hore dib ugu soo laabtay dalka .
Waxaana Murashaxa Madaarka Kaga hor tagay isla markaana ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Ucid .
Murashax Jamaal Cali Xuseen oo qolka nasashada Madaarka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu isagoo nabad ah uu dib ugu soo laabto dalkiisi hooyo , waxaa uu sidoo kale ka hadlay xadhigii loo geystay Salaadiintii loo xidhxidhay arrinkii Lug-hayaa .
Sidoo kale Murashaxa ayaa Tacsi u diray Eehelaii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamed C/raxman Gadhyare oo uu sheegay in ay saaxibo ahaayeen .
Ugu danbeentii wuxuu ka hadlay Ololihii ay Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ay ka sameeyeen Gobolka Awdal isagoo sheegay in aan la joogin wakhtigii ololaha waxaanu ku dhaliilay xisbiyadaasi in bulshadii oo abaareesan halkii ay caawin lahaayeen in ay bulshadii ay ku dul ciyaarayeen .
Sidoo kale wuxuu labada Xisbi ku eedeeyay in ay hantidii umadda ay u isticmaleen Ololahaasi isla markaana ay labadoodu yihiin labada Xisbi ee Dalka haysta , lana ogyahay ayuu yidhi halka ay dalka dhigeen Maanta .

image

image

image

image

image

image

image

image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here