Home Wararka {Halkan Ka Daawo} Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali...

{Halkan Ka Daawo} Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kormeeray Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Oo Si Habsami Ah Uga Socota Iyo Sidii Diiranayd Ee Loogu Soo Dhaweeyey Lawyacado.

19
0

{Halkan Ka Daawo} Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kormeeray Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Oo Si Habsami Ah Uga Socota Iyo Sidii Diiranayd Ee Loogu Soo Dhaweeyey Lawyacado.

FB_IMG_1456490253476Lawyacado (UCID-Media) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faisal Ali Warabe Oo ay socdaalka ku wehelinayeen Xuseen Al-Isxaaqi Iyo Yusuf Ahmed ayaa maanta socdaal kormeera ah oo ay ugu kuu galeyaan habsami u socodka hawlaha diiwaangalinta codbixiyayaasha ku tagay magaalada lowyacado ee xuduudka Somaliland iyo Jabuuti si ay u soo indho-indheeyaan siday u sacoto hawsha diiwaan galintåaa cod bixiyayaasha.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta iyo halwadeenada diiwaan gelinta codbixiyayaasha iyo shacabkii halkaa ku sugnaa ee is diiwaan galintiinayey waxaanay u sheegeen in diiwaangalintu si wanaagsan u socoto oo llaa 12000 oo qof ay ilaa hada iska diiwaan galiyeen.

Waxay dadku ka cabanayeen biyi la’aan iyo computarada is diiwaan galinta oo aad ugu yar, Iyo dadka xuduuda kasoo talaabaya oo aad ubadan siday u sheegeen masuuliyiintu.

Waxaa diiwaangalintan ku cusub oo ku soo biiray in dadka indhaha laga sawirayo taa soo yaraynaysa dadkii codbixinta ku soo noqnoqon jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here