MUDANE GUDOMIYE ENGINER FAYSAL CALI HUSEIN ISAGAANA WAX MAGACAABAY XIL KA QAADISNA SAMEEYAY EE WAXBA KAMA JIRAAN WARARKA WARBAAHINTA IYO WEBSITE YADA LAGAGA BEEN ABUURANAAYO MUDANE MUSHARAX MUJAAHID GUDOOMIYE MUUSE BIIXI CABDI WAA NA GEF IYO MEEL KA DHAC IYO BEEN ABUURASHO

Filed under: Wararka |
Facebooktwitterredditpinterestlinkedinmail

MUDANE GUDOMIYE ENGINER FAYSAL CALI HUSEIN ISAGAANA WAX MAGACAABAY XIL KA QAADISNA SAMEEYAY EE WAXBA KAMA JIRAAN WARARKA WARBAAHINTA IYO WEBSITE YADA LAGAGA BEEN ABUURANAAYO MUDANE MUSHARAX MUJAAHID GUDOOMIYE MUUSE BIIXI CABDI WAA NA GEF IYO MEEL KA DHAC IYO BEEN ABUURASHO .

cabdilahi_2London (UCID-Media Group) Qoraal kooban oo aanu hadda ka helay Xoghayeha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga UCID  ayaa waxa uu ku bayaamiyey warar been abuur ah oo lagu baahiyey baraha internet ka qaarkood qoraalkan ayaa u dhignaa sidan

Gudoomiye Eng Faysal Ali Hussein e xisbiga UICD waa gudoomiye waxna magacaaba , waxna xilka ka qaada .

Waxaan cadaynayaa in xilalka uu magacaabay gudomiyuhu iyo xil ka qaadistuba jiraan oo ay dhab tahay cid kalena aanay ka been abuuran xisbiga UCID .

Waa sune in qof xil loo magacaabaa qofna xil laga qaadaa , lkn waa denbi in been lagula dul kufo qof aadmiya ahna madaxda qaranka , halgamayaashii umadan oo mudan ixtiraam iyo qadarin .

Waxaan leeyay dadka sidaa iyo intaa u badheedhayaa inay danbiilayaal ka yihiin Illaahay agtiisa iyo umadaba kana noqdaan iskana daayaan dhaqanka noocaas ah , waxay inaga noqotay caado oo waa inagaga dhegtay inaan si fudud oo denbi ah qof kula dul kufno hawl aanu lahayn .

Been abuurashadu waa denbi wayn oo adag , waxaa intaa kasii daran in la isku hayb raacsho dad aanay waxba ka dhaxaynin . waa danbiyada umadan laga gelaayo .

Dadka sidaa u fikira la yaabimaayoo cindigooda ayay la tahay inuu xisbigu yahay reer oo dadku yihiin xisbi intii isku reeriba , taasina waa mid ka fog hanaanka axsaabta lkn waa waayaha maanta ina haysta waa se laga gudbi dhawaan insha Allah .

Allah mahad leh
Xoghayeha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga UCID  Qaarada Yurub
Mudane Abdilahi Sheekh Xasan Dayaan

Share this:

Share With

rssyoutube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *