Home Wararka Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Oo Xafiis Ka Furtay Magaalada Bloomington Ee...

Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Oo Xafiis Ka Furtay Magaalada Bloomington Ee Gobolka Minnesota

15
0

Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Oo Xafiis Ka Furtay Magaalada Bloomington Ee Gobolka Minnesota

Hargeysa (UCID-Media Group) Xisbiga Mucaaradka ah ee Xisbiga Ucidoo xafiis cusub oo muhiim ah oo qayb laxaad leh ka qaadan doona dardar-gelinta hawlaha balaadhinta iyo dib u dhiska Xisbiga ka furtay Degmada Bloomington Ee Gobolka Minnesota, halkaas oo uu xisbigu ugu talo-galay inay qayb ka noqoto goobaha halbawlaha u noqon doona hawlaha Xisbiga Ucid.
Xaflada furitaanta xafiiska oo lagu qabtay isla goobta xafiiska laga furayay, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socotay xisbiga caddaalada daryeelka Ucid.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Xogayaha Siyaasadda ee xisbiga UCID Maxamed-Nasir Dhoore oo ku hambalyeeyey musuuliyiinta Xisbiga Ucid iyo taageerayaashii soo diyaariyey Xaflada iyo xafiiskaas, “Waxa aad tihiin dad isa soo abaabulay oo ay ka go’antahay taageerada ay u hayaan xisbiga UCID. Waan u hambalyaynaynaa kuwa cusub ee xisbiga ku soo biray iyo kuwii hore ugu jirayba. “Waxa aan idiin sheegayaa xisbiga UCID maaha xisbi laka leeyahay ee taageerayaashii hore ugu sii jiray iyo kuwa hadda ku soo biirayba talada way u siman yihiin.”

Masuuliyiinta Xisbiga Ucid ee aanay marnaba taariikhdau hilmaami doonin ee judiga iyo dedaalka iyo wakhtiga badan geliyey ee aanay hawashani qabsoonteen la’aantood waxay kala ahaayeen:-

  1. Xoghayaha saxaafada Xisbiga Ucid USA- Osman Yusuf
  2. Xoghayaha guud ee USA- Sheeriin Maxamuud Cali
  3. Xoghayaha abaabulka USA- Maxamed Xasan Jabane
  4. Gudoomiyaha garabka haweenka ee USA Xamiida Ismaaciil
  5. Cabdiraxmaan Axmed Cumar- Gudoomiyaha USA ee Xisbigii Ucid
  6. Maxamed-Nasir Dhoore- Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Ucid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here