Home Wararka {Halkan Ka Daaw} Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali...

{Halkan Ka Daaw} Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Taageerey Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyaha Maroodijeex Kan Jeediyey Khudbad Taariikhi Ah Oo Dhaxal Gal Ah.

16
0

{Halkan Ka Daaw} Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Taageerey Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyaha Maroodijeex Kan Jeediyey Khudbad Taariikhi Ah Oo Dhaxal Gal Ah.

daah_faysal_02

 

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xukumadda Somaliland gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha Somaliland ugu baaqay inay si dhakhsaha u soo afjarto arin dil ah oo mudooyinkii u danbeysayba muran xoogani ka taagnaa oo ka dhacday magaalada ceerigaabo isla markaan ay xukumaddu u xidh xidhay salaadiin iyo cuqaaal.

Waxaana arinkan uu ka dhashay kadib markii magaalada ceerigaabo dhawaan ay ka dhacday dil aad u fool xun isla markaan ay xukumaddu u xidh xidhay cuqaal iyo waxgarad.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu maanta khudbad ka jeediyay munaasibadii furitaanka bilowga diiwaan galinta uu wasaarada ku adkeeyey inay si dag dag ah arinkaa usoo dhameeyaan ka hor inta aanay diiwaangalintu gaadhin gobolka sanaag.daah_faysal_01

Guddoomiye Faysal oo arinkasi ka hadlaya aya waxa uu yidhi. “Arintii ka dhacday ceerigaabo waa in xukumaddu si dag dag ah usoo afjartaa gaar ahaan wasaarada daakhiliga,Ceerigaabo waxaa ka dhacay dil fool xun wuu soo jiitamay cuqaal iyo waxgarad ayaa loo xidhay qaar baa jeelka ay ku xidhnaayeen ku dhintaay waxa weeye in arinkaa si dag dag ah losoo afjaraa intaan diiwaangalintu gaadhin gobolka sanaag taana xukumadda Ayaan ku adkaynayaa”Sidaas ayu yidhi Guuddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Geesta kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu is bar bar dhig ku sameeyey isaga oo dadka ku guubaabinaya in ay is diiwaan geliyaan, dhinca dad badnida ee labada Magaalo ee Hargeysa iyo Moqdisho goddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaaa uu sheegay In Magaalada Hargeysa ay ka dad badan tahay magaalada Moqdisho Balse rer moqdisho ay ka faan badan yahiin rer Hargeya waxaana uu yidhi

“Waxaan idiin sheegaya rer Maroodi-Jeexow Moqdisho iyo Hargeysa hadii la eego qariirada Hargeysa ayaa ka balaadhan walal weynu dhaafnay lakiin waxaa weeye iyagu wey faani yaqaanan balse inagu ma faani naqaano 3 Million baa ku nool bey yidhaahdeen hada cidba ma gasho wax ku soo qaxa mooyaane walal waa in aynu muujinaa in aynu ka baaladhan nahay oo si fiican isku diwaan galinaa ” ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraaabe

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaas Oo Dhan:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here