Home Wararka Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Maanta Iska Diinwaangaliyay Xarunta Shaqaalaha...

Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Maanta Iska Diinwaangaliyay Xarunta Shaqaalaha Dawladda + Dareenkii Gudoomiye Faysal Iyo Saadaasha Uu Ka Bixiyay Doorashada Soo Socota + Sawiro

23
0

Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Maanta Iska Diinwaangaliyay Xarunta Shaqaalaha Dawladda + Dareenkii Gudoomiye Faysal Iyo Saadaasha Uu Ka Bixiyay Doorashada Soo Socota + Sawiroimage
Hargaysa(UCID-Media Group)- Guud ahaanba waxaa Gobolka Maroodijeex maanta si rasmi ah uga bilaabmay Diinwaangalitna Cod-bixiyayaasha .
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay Wehelinayeen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Xisbiga Ucid ayaa waxaa uu iska soo diinwaangaliyay Xarunta Shaqaalaha Dawladda .
Gudoomiyaha ayaa markii uu isasoo diinwaangaliyay Warbaahinta Kula hadlay afaafka hore ee Xarunta waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta is diinwaangaliyo .
Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in hakintii ay hakiyeen Diinwaangalina ay keentay in Raxmaadkii roobku inoo da’o .
Gudoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhimadda ay Diinwaangalintu u leedahay dhismaha Dawladnimo, isagoo ka digay Qabyaaladda oo uu sheegay in ay tahay wax xun oo dib u dhacc keenta , dawladnimada khattar ku ah .
Ugu danbeenti warbaahinta oo wax ka waydiisay saadaasha uu ka bixinayo Doorashada iyo Rajjada Xisbigiisa Ucid, ayaa waxaa uu Gudoomiyuhu sheegay in sannadkani yahay sannadkii Xisbiga Ucid talada dalka qaban lahaa .

Halkan Ka Dhagayso Warbixin Kooban Oo Ku Saabsan Sidii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Isu Diinwaangaliyay Iyo Saadaashii Uu Bixiyay Doorashada Soo Soocta .


image image image image image image image image image image image image image image image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here