Home Wararka {HALKAN KA AKHRI AMA KA DHEGEYSO} GUDDOMIYAHA XISBIGA UCID OO SHEEGAY IN...

{HALKAN KA AKHRI AMA KA DHEGEYSO} GUDDOMIYAHA XISBIGA UCID OO SHEEGAY IN XISBIYADA WADDANI IYO KULMIYE KA WADA TIRSAN YIHIIN XUKUMADA KUNA OLOLAYNAYAAN HANTIDII UMADA

17
0

{HALKAN KA AKHRI AMA KA DHEGEYSO} GUDDOMIYAHA XISBIGA UCID OO SHEEGAY IN XISBIYADA WADDANI IYO KULMIYE KA WADA TIRSAN YIHIIN XUKUMADA KUNA OLOLAYNAYAAN HANTIDII UMADA

Hargeysa (UCID-medai Group ) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo mudooyinkii u Dambeyaayba Safar Shaqo ugu maaqnaa dalka dibadisa ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib markii ay saaka soo caga dhigatay diyaaradii siday ayaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadalay madarka Hargeysa waxa uu ka hadalay safarkii uu ugu maqana dibada garhaan Waqooyiga marykanka  iyo Yurub waxanu sheegay inuu sii badhi taaray siyasada arimaha dibada ee somaliland ,Waxa uu sidoo kale sheegay inuu kulamo la soo qaatay Madax sare oo ka tirsan dalka Maraykanka iyo Wasarada arimaha Dibada ee dalka Filand .

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa ka hadlay Diwaangalinta codbixyaha somaliland waxanu shacabka togdheer ku amaanay sida ay uga qayb qateen diwaan galinta, isagoona rajo fiican ka muujiyaya diwaangalinta ka bilaabmatay gobolka Awdal .

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeyaay labada xisbi ee Waddani iyo kulmiye qaar olole ka dhigay diwangalinta Codbixiyaha Waxanu Sheega in labada xisbi ba yihiin laba xisb oo ka wada tirsan xukumada hantidii umadana u adeegsanaya ololaha waxanu yidhi ” inkasta ood moodid in diwaangalintii labada xisbi ay ka dhigen olole siyaasadeed waa labada xisbi ee dawladu ka koobnayd iyagoo hantidii umada isticmaalaya iyagoo ku tartamaya anaa ka Baabur badan iyo anaa kaa Baabur badan inay wixiiba ka dhigeen fawda iyo olole aan wakhtigiisa la gaadhin wasiiradii baa socda, xildhibaandii baa socda ,xisbiyadii baa socda waxasi wax aduunka ka shaqeeya maaha ninka wakiilka ahi haduu ololaynayo waa inuu wakiil nimada ka tagaa  weeyi Wasiirku maaha inuu u ololeeyo nin musharaxa ” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe .

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa cambareeyay xadhigii ganacsade Cumar Caydiid waxanu dhaliilay qaabkii uu gudoomiyaha xisbiga Waddani arintaasi u wajahay .

” Arinta Tiyaatarka waxa la yidhaa maxuu Faysal uga hadli laayahay dad badan baa lahaa, dee Ucid waa instushan weeyi Gudoomiye xigeenkii baa hadlay Xisbigu wuu hadlay aniga hadl igama furnayn siyaasadii xisbiguna wax ku hadlay ragii iga wakiilka ahaa in wax kasta la qabileeyo maaha waxa qalada in qof muwaadina oo aan dambi gacanta kula jirin in la xidho maaha” Ayii yidhi Faysal Cali Waraabe

Guddomiyaha Xisbiga Ucid ayaa ka hadalay sidoo kale qabyaalada waxanu sheegay inay jirto kalmad mudooyinkii u dambaysayba soo noq noqonaysa oo ah Garxajis waxanu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya” Waxa mudooyinkii u dambeeyaay soobadanaysay kalmadan Garxajis la yidhaa anu waxan ka soo jeeda beesha Garxajis la yidhaa 15 sano ayaan ahaa gudoomiye xisbi kalmadaasi may jirin ,waxan garan laayahay garxajis nimadu ma Waddani bay la dhalatay ,markii aanu waddani jirin maanu Garxajis jirin waxan leeyahay hala kala saaro Waddani iyo Garxajis, Xisbi siyasiya weeyi ,Xisbi qaran weeyi waxkasta in la garxajiseeyo maaha waxkastana in la qabiileeyo looma baahna ” ayuu yidhi guddomiyaha Xisbiga Ucid

Waxa uu sidoo kale waxa uu ale uga barayay inuu u madiisa u shubo raxmadkiisa abarahana ka jabiyo.

Hakn ka dhagyso
Screenshot_2016-02-13-12-52-03-1Screenshot_2016-02-13-12-54-02-1Screenshot_2016-02-13-12-53-44-1Screenshot_2016-02-13-12-54-02-2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here