Home Wararka {HALKAN KA DAAWO}GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE OO DIB UGU SOO GURYO NOQDAY...

{HALKAN KA DAAWO}GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE OO DIB UGU SOO GURYO NOQDAY DALKA KANA HADLAY UJEEDADII SAFARKIISA + DHALIILO UU U JEEDIYAY MASUULIYIINTA LABADA XISBI QARAN

17
0

{HALKAN KA DAAWO}GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE OO DIB UGU SOO GURYO NOQDAY DALKA KANA HADLAY UJEEDADII SAFARKIISA + DHALIILO UU U JEEDIYAY MASUULIYIINTA LABADA XISBI QARAN

Screenshot_2016-02-13-15-02-16-1
Hargeysa(UCID-Media Group) -Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo in muddo ah dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta dib ugu soo guryo noqday magaalada hargeysa.

Waxaana soo dhawaynta gudoomiyaha ka qayb qaatay salaadiin cuqaal waxgarad dhalinyaro, haween masuuliyiinta sar sare ee xisbiga ucid iyo waliba taageerayaasha xisbiga ucid .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee VIP Room ka ee garoonka cigaal ayaa waxa uu ka waramay ujeedka uu daraanaa socdalkii uu ku tagay dalka dibadiisa gaar ahaan North America Iyo Yurub, Waxaana uu gudoomiyuhu sheegay inuu kulamo la yeeshay madaxda sar sare ee dalka maraykanka uuna kala hadlay halka ay marayaan arimaha diiwaangalinta kasocda dalka Somaliland waxaana uu yidhi.

“Waxaan safarkayga ku tagay dalka maraykanka iyo yurub waxaana soo maray wasaarada arimaha dibada dalka filand anigoo kala hadlay halka ay inoo marayso diiwaangalinteeni, waxaana sidoo kale kulamo la qaatay madaxda sare ee dalka marayka waxaanan kala hadlay xaalada guud ee dalkeena iyo halka ay wax inoo marayaan”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Faysal

Sidoo kalena waxa uu gudoomiyuhu ku amaanay gudida komishanka doorashooyinka qaabka ay u wadaan diiwaangalinta iyo waliba sida fiican ee ay uga soo dhamaatay gobolka togdheer waxaana uu yidhi

“Kumishanka waan hambalyaynayaa hashu si fiican ayay u soctaa gobalka Togdheer way ka dhacday Awdala waxaan rajynayaa in si fiican ay uga dhacdo” Guoomiye faysal

Gabagabadiina waxa uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe Dhaliilo xoogan usoo jeediyay labada xisbi qaran ee wadani iyo kulmiye isagoona ku tilmaamay inay gobolka awdal ka bilaabeen olole cad waxaana kamid ahaa hadaladiisi sida tan

““ Hantidii Umadda oo ay labaduba yihiin laba Xisbi oo xukuumadda ka wada tirsan weeye wayna ku ololaynayaan anaa kaa gawaadhi badan iyo anaa kaa gawaadhi badan waxaana la modaa in labadoodaba imika ay gudoomiyinimada xisbigu ugu horayso Waxaanan rajaynayaa inay gobolka awdal na si fiican ugu soo dhamaato diiwaangalintu gudiduna indhaha ku hayaan labadan xisbi ee ololaha cad ka wada gobolka” sidaas ayuu hadalkiisa kuso koobay gudoomiye Faysal Cali waraabe

Si kasteba ha ahaate gudoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isagana la filayaa inuu u anba baxo gobolka awdal madaama ay diiwaangalintii codbixiyayaashu ka socoto gobolkaas
Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here