Home Wararka Gobaha Deldelnaa Ee Aan Laga Codayn Jirin Waxanu Si cad U Sheegnay...

Gobaha Deldelnaa Ee Aan Laga Codayn Jirin Waxanu Si cad U Sheegnay In Ay Tahay Dembi Laga Galay Muwaadiniinta Ku Nool Degaankaasi Xeebta.

17
0

Gobaha Deldelnaa Ee Aan Laga Codayn Jirin Waxanu Si cad U Sheegnay In Ay Tahay Dembi Laga Galay Muwaadiniinta Ku Nool Degaankaasi Xeebta.

@ QUFULKII Lixdaa Goobood ku Xidhna UCID Ayaa Jabisey @Screenshot_2016-02-11-17-06-59-1

Borams (UCID-medai Group ) Xisbiga UCID waxaa uu shay ka Badheedhay Lix goobood oo Mudo 13 Sano ah aan helin Xaqii uu DastuuRku Siiyey ee ahayd in ay Wax doortaan lana Doorto
Sidaa Daraadeed Waxaa uu Xisbiga UCID shalay kaga Dhawaaqey Madashii Daahfurka Diwaangalinta Gobolka AWDAL in Lixdaa goobood ee Muranka Labada Gobol ee Maroodi-Jeex iyo AWDAL is ku Haysteen in La Raaciyo AWDAL
Si ay Dadkaasi Codkooda ay Xaqa u Leeyihiin ay Helaan

Gobaha deldelnaa ee aan laga codayn jirin waxanu si cad u sheegnay in ay tahay dembi laga galay muwaadiniinta ku nool degaankaasi xeebta. In ay codkooda dhiibtaan waa xaq ay leeyihiin oo dastuurka-Somaliland u damaanad qaadayo.

Degmo-doorashada ama gobol-doorashada ay noqonayaan lafteeda waxa cadaynaya dastuurka Somaliland oo waxa loo raacayaa xuduudihii maamul ee 26June 1960 mana aha wax aan la garan karin. Hadana dhawriyo toban sanadood lagama codayn ee way deldelaayeen.

Qodobka dastuurka ee muwaadin kasta xaqa u siinaya inu ” wax doorto lana dooran karo”waa qodob ka mid ah qodobada Mabaadiida Guud ee Asaasiga ah ee Dastuurka Somaliland balse qodobka halka ay raacayaan ka hadlayaa waa qodob ka hadlaya keliya arin maamul kamana mid aha Qodabada Mabaadiida Guud Ee Asaasiga.

Marka ay sidaa tahay waxa ka muhiimsan oo lama taabtaan ah xaqa uu muwaadinku u leeyahay inu codkiisa dhiibto marka loo eego ka tilmaamaya arin maamul. Lakiin hadda waxa lagu daadifaynayaa xaqa muwaadinta loo diidan yahay inay wax doortaan waa arin siyaasadeed ee maaha arin sharciba taasina waa dulmi.
Si kastaba ha ahaato eh waxan qabaa arinkan in laga aamusnaado lafteedu ay tahay masuiliyad darro. Sidaa daraadeed xisbiga UCID waxa ka go’aan in aanu ka aamusin arinkan si deldelaada looga saaro lixdan goobood. Go’aanka halka ay raacayaan marka hore sharcigaa tilmaamaya, marka xigana waxa looga fadhiyaa xukuumadda oo iyadu masuul ka ah balse UCID wuxu ku leeyahay talo.

Maalin dhawayd oo xisbiyada iyo komishanka doorashooyinka iyo xukuumaddu ay kulan wada tashi ah oo uu Gudoominayay Madaxwayne xigeenku ka yeeshan arinka lixdan goobood waxanu u xaqiijinay in xisbi ahaan aanu ogolahay xal kasta oo arinkan laga gaadho.

Wasiirada kulanka ka soo qayb galay waxa ka muuqatay inay ka soo wada jeedeen gobolada ku muransan goobahan oo aniga laftaydu aan ka mid ahay. Sidaa daraadeed hadii ay sababta loogu dhici la’ yahay arikani ay siyaasad tahay waxan sheegay anigu marka aan eego dhinaca danta reerkayga aan ku talinayo in la raaciyo Awdal, gaar ahaan Degmada Lughaya waana runtay oo waa sida aan shakhsi ahaan u arko. Lakiin xisbiga UCID wuxu ogol yahay go’aan kasta oo arinkan lagu xalinayo oon ahayn LAGA CODAYN MAAYO EE WAY DELDELAANAYAAN

Wa Bilaahi Tawfiiq

Guddoomiye Ku Xigeenka saddexaad Ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Gurey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here