Home Wararka “Haddu Samatar Xisbigii Talada Hayay Ee Kulmiye Ku Biiray Waan Hambalyeenaynaa, Cali...

“Haddu Samatar Xisbigii Talada Hayay Ee Kulmiye Ku Biiray Waan Hambalyeenaynaa, Cali Khaliif Waxaan Leeyahay Ku Dayo Prof Axmed Samatar Oo ..” Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Fasyal Cali Waraabe .

16
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu maanta Telefishanka STAR Tv Uu ku waraystay Xafiiskiisa Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ay wax ka waydiiyeen  Aragtidiisa ku aaddan ku biirista Prof Axmed Ismaaciil Samatar Ee Xisbiga KULMIYE, Waxaanu Gudoomiye Faysal Sheegay in uu Hambalyeenayo Prof Axmed Ismaaciil Samatar .

“ In uu maanta Axmed ku soo biiro Axsaabti Qaranka Mid ahaan, Sadexda Xisbi Qaran waa saddex xisbi Qaran, Saddexduba waxay u taaganyihiin midnimada Somaliland, Gooni Isu Taagga Somaliland iyo horumarka Somaliland, Haddu Xisbigii talada Hayay ee kulmiye Ku Biiray waan Hambalyeenaynaa, waxaa weeye qofku markuu akhriyo xeerka iyo markuu eegay shaqadooda hadduu kaa door biday waanu Hambalyeenaynaa, Meel shishe muu tagine saddexdeeni xisbi qaran mid ahaan ayuu tagay, waxaan jecelnahay in uu wax badan ku soo kordhin doono Qaranka iyo Xisbigaba..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Gudoomiye Faysal ayaa ku Biirista Prof Smatar ee KULMIYE ku tilmaamay tusaale fiican, isagoo ugu baaqy Cali Khaliif Galaydh in uu joojiyo Dagaalka oo uu Prof Samatar ku daydo .

“ Waxaanay noqon doonta tusaale fiican insha allaah, Cali Khaliif-na waxaanu leenahay iska daa dagaalka iyo in adoo da’daa ah hub qaadato, oo Axmed Samaar ku Dayo ..” Ayuu Yidhi Gudoomiyuhu

 

Ugu Danbeentii Gudoomiyaha ayaa cod dheer ku sheegay in ay haboontahay in la isku ixtiraamo aragtiyayaha .

“ Qofku aragtidiisa xor-buu u yahay, in lagu ixtiraamana xaq-uu u leeyahay ..” Ayuu ku soo gunaanaday Hadalkiisa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo maanta u Waramayay Telefishanka STAR TV .

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here