Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Saaka Cusbitaalka Wayn Ee Hargaysa Ku Booqday Dadkii...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Saaka Cusbitaalka Wayn Ee Hargaysa Ku Booqday Dadkii Ku Waxyeelloobay Roobkii Duufaanta Watay Ee Shalay Ka Da’ay Hargaysa + sawiro

18
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Xisbigaasi UCID ayaa waxa ay saaka Cusbitaalka Wayn Ee Hargaysa ku Soo Booqdeen Dadkii ku waxyeelloobay Roobkii shalay Duufaanta wattay ee Hargaysa ka da’ay .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa mid-mid u booqday Dadkii Dhaawaca u yaallay Cusbitaalka, isagoo alle uga baryay in uu caafimaad sareeca siiyo .

Intaasi ka dib Gudoomiyuhu waxaa uu afaafka Hore ee Cusbitaalka kula hadlay Warbaahinta isagoo sheegay in dadkan u baahanyihiin in loo fidiyo gar-gaar degdeg ah, waxaanu  xusay in bishani tahay bil Ramadaan loona baahanyahay bu yidhi in la isku naxariisto shacab iyo dawlad-ba .

Ugu danbeen Gudoomiye Fasal Cali Waraabe waxaa uu tacsi u diray Eheladii ay ka baxeen Dadkii ku geeriyooday Roobkaasi shalay ka da’ay Hargaysa .

Dadka Dhaawaca ah ee lagula tacaalayay Cusbitaalka ayaa Tiradoodu dhan-tahay 22 Ruux oo isugu jiraa kuwo Dhaawacoodu culusyahay iyo kuwo uu fudud-yahay, halka dhimashaduna tahay laba Ruux .

 

 fa1 fa2 fa3 fa4 fa5 fa6 fa7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here