Home Wararka Gudoomiyha xisbiga UCID Ahna Murashaxa xisbiga UCID ee Doorashada Soo...

Gudoomiyha xisbiga UCID Ahna Murashaxa xisbiga UCID ee Doorashada Soo Socota November , 2017 Eng Faysal Cali Xuseen Ayaa Socdaal Shaqo Ku Teggay Waqooyiga America Gaar Ahaan Wadanka Canada . +DAAWO SAWIRAANTA

16
0

Gudoomiyha xisbiga UCID Ahna Murashaxa xisbiga UCID ee Doorashada Soo Socota November , 2017 Eng Faysal Cali Xuseen Ayaa Socdaal Shaqo Ku teggay Waqooyiga America Gaar Ahaan Wadanka Canada .

Socdaalka uu gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid eng faysal cali waraabe uu ku tagay dalka Canada ayaa si maamuus iyo milgo leh loogusoo dhaweeyey garoonka caalamiga ah ee magalada Edmonton ee waddanka Canada , waxaana si wadajir ah usoo dhaweeyay dhamaanba jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Canada gaar ahaan gobolka Alberta .

Soo dhawaynta murashaxa xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ee waqooyiga America ayaa ahayd mid ay ku dheehantahay kalgacal iyo in gudoomiyaha iyo xisbiga UCIDBA shacbiyada uu ku leeyahay waqooyiga America isaga oo ku kasbaday howlaha qaranka ee uu tuurta u ritay iyo sidda uu ugu heelanyahay horumarka iyo barwaaqaynta Somaliland.


Waxaana loosii galbiyay hoygii loogu tallo galay inuu ka degenaado magalada Edmonton Muddada uu ku sugnaandoono dalka canada halkaasi oo ay ku sugayeen bulsho farabadan .

Gudoomiyaha xisbga UCID Eng Faysal Cali Xuseen ayaa wadanka Canada ku sugnaa muddo afar cisho ah oo uu halkaasi kula qaatay kulamo iyo xogwaraysi kala duwan jaaliyadaha iyo ururda kala gadisan ee magalada Edmonton.

Waxaanu gudoomiyuhu uu maalintii labbaad kulan la qaatay dhallinyarada ururka Damal Organization oo ka dhisan magalada Alberta kuwaasi oo ku casuumay qaddo sharaf ay kasoo qayb galeen dad aad u tirro baddan .



Intaa kadib waxaa uu murashaxa xisbiga ucid Eng faysal cali xuseen ka qayb galay kulan si gaara loogu maamuusay soo dhawayntiisa oo aan hore uga dhicin dalka Canada guud ahaan, taas oo ay jaaliyada reer Alberta ay xaflad si qurux badan looso qaabeeyay soo agaasimeen taas oo dhacday maalin sabtiya oo ku beegnayd 15 July, 2017.


Gudoomiye Faysal ayaa maalintii Axada oo ay bishu ahayd 16 July 2017, waxa uu si gaara u qaabilay mutacalimiin , aqoonyahankii iyo waxgarad kasoo jeeda Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal .
Ujeedada kulanka ayaa daarnaa amma isugu jiray xogwaran siyaasadeed iyo ifafaalaha guuud ee Somaliland siyaasadeed siddo kale waxa ay gudoomiye faysal iyo jaaliyada gobolka Awdal ee dalka Canada ay ka wadda hadleen siddii ay uga qayb qaadan lahaayeen isbedelka siyaasadeed ee uu waddo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo siddii ay ugusoo biiri lahayeen xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID.

Isla habbeenka waxa uu kulan casho aad u heersaraysa la qaatay ururka dhallinyarada reer Somaliland Alberta ee Hayaan kuwaasi oo dhamaantoodba si isku duubni ah ugusoo biiray dabaysha isbedelka caafimaadka qabta iyo rajada badbaadinta Somaliland ee xisbiga cadaalada iyo daryeel ka ee ucid.


Subaxnimadkii Isniinta 17 july 2017 waxa uu Eng Faysal cali waraabe uu kulan la qaatay madaxa booliska magalada Edmonton ,Alberta ,kaas oo magaciisa layidhaahdo Mr. Brain Simpson waxayna kawada hadleen siddii ay iskaga kaashan lahayeen labbada boolis ee Somaliland iyo kuwa Canada arrimaha la xidhiidha tababarka booliiska, khibrad wadaaga iyo sidii qalab casri ah oo tayaysan ay ugu caawin lahaayeen booliska Somaliland , waxa kale oo ay ka wadda hadleen siddii ciidanka dabdamiska jamuuriyada Somaliland xirfadooda iyo qalabkoodaba kor loogu qaadi lahaa iyo waliba siddii loo walaalayn lahaa labbada caasimadood ee Edmonto iyo Hargaisa .

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng faysal cali waraabe ayaa mr. brain kula dardaarmay kuna adkeeyay siddii ay booliiska Canada ay baadhitaan ugu samayn lahaayeen dhallinyarada somaliyeed ee lagu dulay magalada Edmonton sannadihii ugu danbeeyay lana ogaan lahaa xaqiiqada dhabta ah ee ka danbaysan dilkaasi loo gaystay dhallinyarada soomaliyeed ee ku dhaqan magalada Edmonton ee gobolka Alberta , dhallinyaradaasi oo ku jireen kuwo Somaliland u dhashay .

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal cali waraabe isla habeenimadkaaba uu kulan la qaatay jaaliyada reer Somaliland ee kasoo jeeda gobolka SOOL kuwaasi oo uga mahad celiyay doorkii waynaa iyo dadaalkii uu u galay siddii looga midho dhallin lahaa wadda haddalada Somaliland iyo khaatumo , oo uu gadhwadeen ka ahaa gudoomiyuhu.

Waxaa xusid mudan in ay kusoo booqdeen hotelka uu deganaa shaqsiyaad iyo madax kasoo jeeda dhamaanba shanta gees ee soomalida
Muddadii uu joogay gudoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu dib u habayn iyo dardar gelin ku sameeyay dhamaanba laamaha xisbiga UCID ee waddanka Canada iyo walibana waqooyiga America waxaanu noqday socdaalkaasi mid midho dhala oo guul ku soo idlaaday.

Ugu danbayntii waxaa si la mid ah soo dhawayntii oo aan look ala hadhin loogu sogootiyay ilaa madaarka Edmonton international airport bishu markay ahayd 18 July 2017, isaga uu gudoomiyhu uu markale socdaal ugu kicitimay qaarada Yurub gaar ahaan dalka Finland .
gudoomiyaha xisbiga ucid Eng faysal cali xuseen halkaasi oo uu kaga qayb gelli doono shir madaxeedkii madaxda Qaaradaha Yurub ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo ka qabsoomi doona wadanka finland gaar ahaan Helsinki Caasimada wadankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here