Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Soo Gaadhay Ceerigaabo Isla Markaana Fariin U Diray...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Soo Gaadhay Ceerigaabo Isla Markaana Fariin U Diray Komishanka Doorashooyinka + Sawiro

20
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa Goor dhawayd soo gaadhay Magaalada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag .

Gudoomiyaha ayaa intii aanu soo gaadhin Ceerigaabo, waxaa uu soo maray Deegaanno kala duwan sida gar-adag, Ceel-Afwayn, Yufle iyo Deegaano kale, waxaanu dhamaantood kala kulmay soo dhaweemo ay soo abaabuleen Dadka Deegaanku .

Ugu horeen markii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu Saaka Subaxnimadii hore ka soo jarmaaday Magaalada Burco, waxaa uu soo gaadhay Degmada Gar-adag si uu uga quraacdo, waxaana bulshadii Deegaanka amakaag ku noqotay markii ay hal mar ay ku war heleen Gudoomiye Faysal oo Hudheel ka cunteenayaa, taas baddalkeedana bulshadu waxay Gudoomiye Faysal ku Canaanatay sababta uu ula soo socdosiin-waayay imaanshiyihiisa Gar’adag, waxaanu Gudoomiye Faysal Cali ku qanciyay Bulshada Deegaankaasi in aanay taagnayn wakthigii ololaha balse uu u socday Daah-furka Diinwangalitna Gobolka Sanaag, waxaanay taasi keentay in Bulshadu ku qaboobaan oo ay ku qancaan .

Intaasi ka dib khudbad ku aaddan Diinwaangalinta ayuu Gudoomiye Faysal uga jeediyaya Dadka Deegaankaasi Xarunta uu Xisbigu Ku Leeyahay Degmadaasi , waxaanu ku dardaaray in ay qaataan Diinwaangalinta oo ay is muujiyaan .

Gudoomiyaha ayaa intaasi ka dib uga soo gudbay Deegaanka Ceel-Afwayn, halkaas oo uu kala kulmay soo dhaween aan qorshaha ku jirn oo ay soo abaabuleen Murashaxiinta Deegaankaasi ee ka sharaxan Xisbiga UCID .

Gudoomiyahaa ayaa Xafiiska Xisbigu ku leeyahay Degmada Ceel-afwayn uga jeediyay Khudbad bulshadii halkaasi ku soo dhaweesay, waxaanu Gudoomiyuhu halkaasi uga jeediyay Khudad ku aaddan qaadashada Diinwaangalinta, isagoo kula dardaarmay in doorkan ay is muujiyaan si ay ula soo baxaan Murashixiintooda .

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Yuusuf Ibraahim “ Googooye” ayaa bulshada Deegannadaasi si adag ugu dardaaray qaadashada kaadhka Diinwaangalinta .

Ugu danbeentii Gudoomiyaha XIsbiga UCID waxaa uu soo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo, iyadoo Madaxda Xisbiga Ee Gobolku ay meel ka durugsan magaalada Kaga hortageen si ay u qaabilaan Gudoomiyaha una soo dhaweeyaan .

Murashax Maxamed Axmed oo ka mid ah Murashaxiinta Xisbiga Ucid ee Ka Sharaxan Gobolka Sanaag ayaa sheegay in Gudoomiyuhu Diiday in soo dhaween balaadhan lagu qaabilo, maadaama aan la joogin wakhti olole, balse ujeeddada socdaalkiisu tahay bu yidhi  in uu ka qeyb galo xafladda daah-furka Diinwaangalinta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ka qabsoomi doonta .

Waxaana uu Gudoomiyuhu Duleedka Magaalada kula hadlay Warbaahinta, waxaanu u sheegay in qorshaha aanay ugu jirin Soo Dhaween, maadaama ay dhawrayaan Sharciga .

Gudoomiyahu Waxaa uu Komishanka Doorashooyinka iyo Guddida Anshaxa ugu baaqay in ay talaabo ka qaadaan Xisbiyada ololaha ka wada Magaalada Ceerigaabo .

“ Haddi aydaan Xisbiga Khaldan aaydaan sheegin Khaladkiisa, Hadhaw Doorashada sidee noogu xaq-soori kartaan ..” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Si kastaba ha ahaate Xisbiga UCID Waa xisbiga Kaliya ee xarumo ku leh Deegannadaasi, waana Xisbiga ugu taageerada badan, iyadoo ay cadeen kuugu filan sida ay Xisbiyada kale ugu bixinayaan Qarash soo dhaween loo sameeyo balse Gudoomiye Faysal Cali Warabe Bulshada ayaa kaga cadhootay ogaysiin la’aan uu soo ogaysiin waayay in uu imanayo Deegaankaasi si ay u soo dhaweeyaan .

 

IMG_3831 IMG_3834 IMG_3835 IMG_3861 IMG_3879 IMG_3880 IMG_3887 IMG_3893 IMG_3895 IMG_3940 IMG_3946 IMG_3950 IMG_3957 IMG_3961 IMG_3973 IMG_3979 IMG_3988 IMG_3983 IMG_3980 IMG_3998 IMG_4000 IMG_4037 IMG_4058 IMG_4065 IMG_4068 IMG_4069 IMG_3841 IMG_3867

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here