Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta...

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Ka Qeyb Galay Xafladda Daah-Furka Diinwaangalinta Gobolka Sanaag + Sawiro

20
0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta ka qeyb galay Xafladda Daah-furka Diinwaangalinta Gobolka Sanaag oo maanta ka dhacday Beerta Xorriyadda ee Ceerigaabo .

Waxaana Munaasibaddan ka soo qeyb galay Madxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxman Saylici, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka C/qadir Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Madaxda Axsaabta, Wasiiro iyo Dadwayne kale .

Waxaana halkaasi ka hadlay Madax ka socotay Komishanka oo amaan balaadhan u jeediyay Deegaanka Gobolka Sanaag oo ay ku tilmaameen Deegaanka ugu balaadhan ee ugu hodansan Somaliland .

Waxaanay ugu baaqeen in ay is diinwaangaliyaan oo ay ka faa’idaystaan .

Wasiirada Gaashaandhiga, Biyaha oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa shacabka Reer Sanaag ugu baaqay in ay si balaadhan uga qeyb qaataan Diinwaangalinta .

Guddoomiyha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka dagaalameen in wakhtigii abaarta diinwaangalintu ka dhacdo Deegaanka Gobolka Sanaag .

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu ku booriyay Bulshada Reer Sanaag in ay Is diinwaangaliyaan oo ay qaataan kaadhka Cod-bixinta .

Ugu danbeen Guddoomiyuhuu wuxuu ku adkeeyay Shacabka Reer Sanaag in ay midoobaan oo ay horumarka isku kaashadaan .

Guddoomiyaha Komishanka Doorashoyinka Somaliland C/qaadir Iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Maraaxilkii kala duwan ee Diinwaangalintu soo martay iyo sidi ay uga soo hirgashay Gobolada kale ee Somaliland, waxaanu Bulshada Reer Sanaag ugu baaqay in ay is diinwaangaliyaan .

Gabogabadii Xafladaasi waxaa ka hadlay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane C/raxman Saylici oo shacabka Reer sanaag ugu baaqay in ay is diinwaangaliyaan .

 

IMG_4102 IMG_4111 IMG_4112 IMG_4113 IMG_4118 IMG_4124 IMG_4128 IMG_4131 IMG_4133 IMG_4140 IMG_4141 IMG_4152 IMG_4156 IMG_4165 IMG_4173 IMG_4175 IMG_4181 IMG_4185 IMG_4186 IMG_4190 IMG_4198 IMG_4203 IMG_4205 IMG_4212

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here