Home Wararka Xaflad Soo Dhawayn Ah Oo Loogu Qabtay Magaalada London Guddoomiyaha Saddexaad ...

Xaflad Soo Dhawayn Ah Oo Loogu Qabtay Magaalada London Guddoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga UCID Mudane Saciid Cumar .

15
0

Xaflad Soo Dhawayn Ah Oo Loogu Qabtay Magaalada London Guddoomiyaha Saddexaad  ee Xisbiga UCID Mudane  Saciid Cumar .img_1420-1

Xaflad si heersare ah loogu soo agaasimay oo Maqaamkeedu aad u Sareeyo laguna soo Dhawaynayay Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saciid Cumar Axmed,ayaa lagu Qabtay Hotel ku yaala Xaafadda Ealing ee Galbeedka Magaalada London,waxana Xafladda soo agaasimay iskuna soo duba riday hawl wadeenada,Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Dalka UK.

Kulankan loogu fooladaynayay Gudoomiyaha Sadeexaad ee Xiga Ucid ayaa waxaa uu ahaa mid ay ku kulmeen dad aad u farabadan oo kala yimi daafaha iyo Badhtamaha Magaalada London,sida Xisbiyada kala Duwan ee Somaliland ee Ucid,Waddani iyo Kulmiye,waxana sidoo kale iyana ka Muuqday Ururada Bulshada kala Duwan ee UK.

Dhinaca kale Masuuliyiintii Munaasibaddaa ka hadashay ayaa dhamaantood iska daba maray Taariikhda iyo Wakhtiga dheer ee uu ku leeyahay Xisbiga Gudoomiyaha Cusub Saciid Cumar Axmed, oo isaugu ka mid ahaa Raagii la Bilaabay Xisbiga wakhtigii la Aaasaasay,isaga oo Mudadaa dheer ku adkaystay Mabda Xisbiga Ucid oo aan dhanna uga bixin Xisbiga Ucid.

Geesta kale Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saciid Cumar Axmed(Saciid Ucid), ayaa Bulshadii Xafladda kasoo qayb gashay uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen,waxa kale oo uu mahad naq balaadhan u jeediyeen Kooxdii iska Xilsaartay Qabsoomidda Xafladda .

 

Sidoo kale waxa isna sitoos ah Khadka usoo Galay Gudoomiyaha ahna Musharaxa Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe,isaga oo ka hadlay sababta uu uga Baaqday Xafladda oo uu sheegay in uu u baaqday Shirka wada haddalada Somaliland iyo Khaatumo ku dhexmaraya Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itobiya.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay Xaaladda Somaliland ee dhinaca Abaaraha iyo waliba Habdhaqamada Labada Xisbig isaga oo Waddani iyo Kulmiye ku eedeeyay in ay hab qabyaaladaysan wax u wadaan.img-20161219-wa0014img-20161219-wa0013img-20161219-wa0012img-20161219-wa0010img-20161219-wa0009img-20161219-wa0003img-20161219-wa0001fb_img_1482201880760 fb_img_1482201873527 fb_img_1482201865508 fb_img_1482201856090 fb_img_1482201848849 fb_img_1482201834221 fb_img_1482201825574 fb_img_1482201815881 fb_img_1482201803121 fb_img_1482201796271 fb_img_1482201784495 fb_img_1482201774981 fb_img_1482201759264 fb_img_1482201750165 fb_img_1482201660653 fb_img_1482201649225 fb_img_1482201639402img_1463 img_1462 img_1461 img_1460 img_1459 img_1458 img_1456 img_1455 img_1453 img_1452 img_1450 img_1449 img_1448 img_1447 img_1446 img_1445 img_1443 img_1442 img_1441 img_1440 img_1439 img_1436 img_1435 img_1434-1 img_1434 img_1426 img_1425 img_1424 img_1423 img_1422 img_1420

 

Ugu danbaynbtii Xafladaa ayaa waxa ay kusoo dhamaatay Jawi aad u wanaagsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here