Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Kulan La Qaatay La-Taliyaha Isu-Duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Kulan La Qaatay La-Taliyaha Isu-Duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay Mr Gavin Roy .

13
0

15416012_604541719749803_57361299_n

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa magaalada Hargaysa kulan kula qaatay La-taliyaha. Isu-Duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay Mr Gavin Roy .

Waxaanay labadan masuul ka wada hadleen, Abaaraha, Doorashoyin, iyo qodobo kale, iyagoo isla jeex-jeexay xaaladda guud ee Mandaqada, gaar ahaan Somaliland .

Gudoomiyaha ayaa Ka codsaday in ay kordhiyaan Mucaawimooyinka ay siiyaan Somaliland, si ay wax uga geysato horumarka ka socda Somaliland .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin ka siiyay hawlaha Doorashooyinka iyo sida loogu diyaar-garoobayo, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xaaladda ba’an ee abaareed ee gobolada bariga Somaliland, waxaanu ka codsaday in ay qaramada Midoobay abaaraha Somaliland wax kala qabato .

Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday jawwi is af-garad .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here