Home Wararka Daawo Musharaxa Madaxweyne Isla Markasna ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali...

Daawo Musharaxa Madaxweyne Isla Markasna ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Xuseen Oo Madal La Isk Arkay Kaftan Duur Xula Ah Runta Ugu Sheegay Hogaamiye Xirsi.

20
0

“Aniga waxa ay ila tahay dib udhacu waa arrin farsamee aynu farsamadeeda u dayno oo haddii dib u dhac yimaaddo aynu komishanka u dayn oo qoddobka la odhanayo Guurtidu ha qiyaasaanna wax  hallaga beddelo oo xeer sharci oo fasiraya hallaga soo saaro” Ex. Wasiir Xirsi

“Dadkeenu mucaaridka ayuu ku fiican yahayoo markuu xafiiska fadhiyo maskaxda badh baa ka tagta, talooyinka uu Xirsi maanta halkan ka sheegayo maalintii uu wasiirka madaxtooyada ahaa muu haynin.”Eng. Faysal Cali-waraabescreenshot_20161209-083450

Hargeysa:(UCID_Media Group )-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md. Faysal Cali-waraabe iyo hoggaamiyaha xisbiga WADDNAI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey  sida loo xalili karo duruufaha inta badan ka hor yimaadda doorashooyinka dalka ka dhaca oo dibudhac badani ku yimaaddo, waxana soo jeediyeen fikrado dhibkaas lagu xallin karo.

 Ugu horrayn guddoomiye Faysal oo ka hadlayey madal saddexda xisbi-qaran, hay’ado caalami ah, kuwo waddani ah iyo weliba ururro bulsho iskugu yimaadeen, isla-markaana lagu gorfaynayey dhibka doorashada hortaagan, ayaa, hoosta ka xarriiqay inay guurtidu caqabad aan laga gudbi Karin ku tahay qabsoomidda doorashada, “Guurtideena markii hore wax badan inoo qabteen, laakiin imika cudur bay inagu noqdeen, marka la yidhaahdo doorashadii baynu gelaynaana Guurtidu ma garanayaan in adduunku wax inala leeyahay, Xaaji Cabdi-na ma yaqaan deeq-bixiyayaal baa jira, taladeenii baynu u dhiibnay dad aan waxna qorin, waxna akhriyin”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Faysal markale sharraxay dhibta xagga aqoonta ah eek u gedaaman golaha guurtida,“Beri baan guurtida ku idhi waar waxna ma qortaan, waxna ma akhridaane maxaad sharciga idin horyimaadda ku garataan inaad wax diidaan iyo inaad ogolaataan, waxayna yidhaahdeen dee marba madaxweynaha meesha fadhiyaanu ku nidhaahnaa miyaanu celinaa mise waanu diidnaa”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Waxa uu intaas ku daray,“Adduunku muxuu Musseveni oo intaas oo jeer korodhsaday uga caban waayey oo Geele-ha agteena looga caban waayey, waxoodu waa Miskiin baa misko la fuulo lehe ma aha inay shan milyan iyo lix milyan dalka inagula taliyaan oo ay wax inoo yeedhiyaan, annaga oo aan marnaba jeclayn dib-u-dhaca, haddana waxanu jecelnahay inaanu doodno annaga oo xor ah oo aan cid kale dibadda inaga riixian.”

Waxa uu Faysal Cali-waraabe si cad u sheegay inaanay wax doorasho ahi dhici doonin haddii aan muddada wakhtiga doorashada ka hadhsan  la helin raxmaadka Eebbe, isaga oo soo jeediyey in deeq-bixiyayaasha doorashada ku xiiqsani abaarta inaga caawiyaan,“Hadduu roobku intaas iman waayo, annagu dadkayaga meydkooda isku dulqabsan mayno iyo xoolahayaga, markaa sanadkan dib baanu u dhigi doonaa, markaanu aragno inay dadkayagu kasoo doogeen oo ay codka bixin karayaan oo ay kaadhadhka qaadan karayaan, ayaanu qabsan doonaan, deeq-bixiyayaashana waxanu leenahay abaartaanu maanta u baahanaye inaga caawiya oo dawladihiina u sheega,tanna dib inoogu dhiga, komishankunu shaqadiisa  ha inoo dhameeyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Faysal oo su’aalo ka keenay hadal uu hoggaamiyaha WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan madasha ka jeediyey, waxana uu xusay inay indhihiisu wax arkeen markii uu mucaaridka noqday, waxana uu yidhi,“Xirsi aad baan usoo dhaweynayaa oo dadkeenu mucaaridka ayuu ku fiican yahayoo markuu xafiiska fadhiyo maskaxda badh baa ka tagta, talooyinka uu Xirsi maanta halkan ka sheegayo maalintii uu wasiirka madaxtooyada ahaa muu haynin.”

Hoos ka Daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here