Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Ku Soo...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Ku Soo Laabtay Dalka + Sawiro

18
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar qaatay todobaad oo uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta .

Waxaanu Gudoomiyuhu ka mid ahaa Wafti Heer qaran ah oo Dalka Imaaraadka kaga qeyb galay Saxeexa Heshiiska Dp World Iyo Somaliland ee Maalgalinta Dekedda Berbera .

Gudoomiyaha oo ay Weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa Bulshada Reer Hargaysa si balaadhan u soo dhaweeyeen, iyagoo kor u lulayay Calanka Somaliland, kuna dhawaaqayay Ereyo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin Heshiiska HIrgalay ee Badhaadhaha iyo Horumarkaba u horseedi Doona Bulshada ku Dhaqan Somaliland .

Heshiiskan Dp World Iyo Somaliland Ee Maalgalinta Dekedda Berbera ayaa ah Heshiis ay Axsaabta, Golayaasha iyo Guud ahaanba shacbigu u muujiyeen Taageero lixaad leh, iyagoo u arka in uu yahay Heshiis sababi doonaa horumar baaxad leh oo saameen togan ku yeesha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka .

 

img_7838 img_7840 img_7847 img_7849 img_7865 img_7869 img_7872 img_7875 img_7877 img_7880 img_7882 img_7884 img_7885 img_7891

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here