Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Ka...

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Ka Qeyb Galay Kulan Balaadhan Oo Dhex Maray Masuuliyiinta Reer Somaliland Ee Heer Qaran Iyo Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Imaaraadka Carabta + Sawiro

17
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka qeyb galay Kulan Balaadhan oo Dhex Maray Masuuliyiin Heer Qaran Ah, oo isugu jiray Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Duqa Berbera iyo Safiirka Somaliland Ee Dalka Imaaraadka Carabta .

Kulankan ayaa la xidhiidhay xog-warran ay masuuliyiintani ay siinayeen Jaaliyadda, kaas oo la xidhiidhay Heshiiska Dp World iyo Somaliland Ee Maalgalinta Dekedda Berbera .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ah Oday Reer Somaliland ah, Isla Markaana Waayo-arag ku ah Siyaasadda, ayaa isagu door Shariifa ku lahaa Heshiiska Dp World Iyo Somaliland, isagoo Door lixaad leh ka ciyaaray Saxeexa Heshiiska Horumarka iyo Badhaadhaha u horseedi doona Somalliland .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa caan ku ah ka shaqeenta Danta Guud Ee Qaranka, isagoo wakhtigiisa ugu badan ku bixiyaa sidii ay Somaliland ay caalamka uga heli lahady aqoonsi iyo Sidii Dalku u heli-lahaa Maal-gashi caalami ah .

Heshiiskan Dp World Iyo Somaliland ayaa ah Heshiis loo arkay in uu Dan u yahay Qaranka, iyadoo Axsaabtu ay taageereen , sidoo kalena ay Golayaasha qaranku ay Meel Mariyeen .

Waxaana ugu danbeen Heshiis-kii kama danbeesta ahaa, uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu ka mid noqday Masuuliyiintii Heer-ka qaran ee ka qeyb gasha Saxeexida Heshiiskaasi Qaran ee Danta u ah guud ahaanba qaranka Somaliland .

 

 

k1 k2 k4 k5 k7 k9 k10 k11 k12 k14 k17 k18 k19 dp-world

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here