Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Qeyb Galay Munaasibadda...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Qeyb Galay Munaasibadda Bandhigga Guulaha Mashruuca Rajo Abuurka Dhalinayarada Somaliland .

23
0

Munaasibadan oo Uu soo agaasimay Ururka SODRA ayaa waxaa ka qeyb Galay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  iyo Masuuliyiin kale .

Kulankan ayaa waxaa ugu horeen ka hadlay Gudoomiyaha Ururka SODRA Axmed Shaqalle, Waxaanu ka waramay Maraaxilkii kala duwana ee Ururku Soo Maray, isagoo carrabka ku dhuftay in ay arday tiro badan maanta jaamacadda ka bixiyaan, isla markaana ay dhawaan hirgalin doonaan mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo Dhalinyarada Somaliland .

Gudoomiye Shaqalle ayaa amaan balaadhan dusha u saaray Gudoomiye Faysal, waxaanu tilmaamay in uu yahay hogaamiyaha ugu daacadsan Somaliland .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanu bogaadiyay Ururka SODRA, isagoo u ballan qaaday in uu wax badan ka gacan siin doono .

 

 

 

img_0076

img_0080

img_0083

img_0097

img_0099

sodr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here