Home Wararka Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID Oo Doortay Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi...

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID Oo Doortay Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi + Sawiro

17
1

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID ayaa maanta ka furmay ADAMS INN Hotel Ee Magaalada Hargaysa .

Waxaana Shirkan golaha Dhexe ku sugnaa xubno ka socday Guddida Diinwaangalinta,kuwaas oo korka kala socday qaabka uu u socdo Shirka Golaha Dhexe .

Shirkan Golaha Dhexe ayaa waxaa lagu doortay Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Oo Loo Doortay Siciid Cumar ( Siciid UCID), oo jagadaasi aan lagula tartamin, sidoo kale Waxaa Xoghayaha Golaha Dhexe Loo Doortay Maxamuud Cali Jiir, iyadoo Xilkaasi uu kula tartamayay Cabdi Dool Kaariye, Walow uu Markii danbe uu tanaasulay .

Jagada Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID, waxaa ku tartamay Saddex Xubnood oo uu ku jiro Eng Faysal Cali Waraabe, inkastoo labadii Xubnood uu mid ka mid ahi uu tanaasulay .

Ugu danbeen Waxaa jagadaas ku tartamay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Maxamed Jamac Cabdi .

Waxaana Cod loo qaaday Murashaxnimada Madaxtinimo Ee UCID, waxaana Gudoomiye Faysal Cali Waraabe u Codeeyay 93 Xubnood, Halka Murashaxii kale Ee Maxamed Jaamac Cabdi ay u codeeyeen 37 Xubnood, iyadoo guud ahaan Tirada ku sugnayd Shirkaaasi ay ahayd 133 Xubnood .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa gabogabadii halkaasi ka jeediyay Khudbad Dhinacyo badan taabanaysa .

Ugu danbee Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Waxaa loo Doortay Eng Faysal Cali Waraabe oo noqon doonaa Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID .

img_1015 img_1016 img_1026 img_1030 img_1036 img_1037 img_1042 img_1045 img_1069 img_1081 img_1084 img_1089 img_1093 img_1095 img_1097 img_1099 img_1100 img_1101 img_1104 img_1108 img_1114 img_1118 img_1135 img_1144 img_1148 img_1151 img_1164 img_1173 img_1175 img_1204 img_1205 img_1208 img_1217

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here