Home Wararka Ururrada Bulshada Ee Ugu Miisaanka Culus Gobolka Tog-Dheer Oo Ka Hilaacay Xisbiga...

Ururrada Bulshada Ee Ugu Miisaanka Culus Gobolka Tog-Dheer Oo Ka Hilaacay Xisbiga UCID Iyo Xaflad Soo Dhaween Ah Oo Maanta Lagu Qaabilay + Sawiro

21
0

Waxaa Maanta Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer ka qabsoomay Kulan kooban oo lagu soo dhaweenayay Ururada Bulshada Ee magaalada Burco,kuwas oo cududoodi iyo taageeradoodiiba ku soo biiriyay xisbiga UCID .

Xisbiga UCID oo u tudhayaa Shacabka Abaaraysan, ayaa waxaa uu gabi ahaanba ka tanaasulay in uu xaflado qarash badan ku baxaan u qabto taageerayaasha ku soo biiraya, waxaanu ta badalkeeda qabtay Kulan uu ku soo dhaweenayo taageerayaasha ku soo biiray .

Waxaana Kulankan maanta ka dhacay Magaalada Burco ka soo qeyb galay Gudoomiyaha,Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Madaxda Xisbiga Ee Heer Gobol, qaar ka mid ah Xog-hayayaasha Xisbiga Iyo Masuuliyiin kale .

Ugu horeen Waxaa halkaasi ka hadlay Oday Dab-Casar, waxaanu cod-dheer ku sheegay in ay ku soo biireen Xisbiga UCID .

Oday Xasan Guure oo isagu halkaasi ka jeediyay khudbad, ayaa bulshada Reer Somaliland ugu baaqay in ay doortaa Murashax Faysal cali Waraabe oo uu ku tilmaamay in uu yahay Hogaamiye bulshada Reer Somaliland Horumar gaadhsiin kara .

Madaxda Ururuada Maanta Xisbiga UCID ku biiray oo kala ahaa, Ururka Heegan, Ururka 18-may, Ururka Haldoor EE SNM  Iyo Ururka xaafadda OCTOBER, Ayaa dhamaantood halkaasi ka cadeeyay in ay ku soo biireen Xisbiga UCID .

Masuuliyiintan ku hadlayay afka Ururadan ayaa si isku mid ah uga waramay asbaabaha ugu waawayn ee sababtay in ay ku soo biiraan Xisbiga, waxaanay Tilmaameen in uu yahay Xisbi leh Hogaan Daacad ah, isla markaana ka shaqeeyaa Danta Guud .

Ugu danbeen Waxaa Munaasibadaasi soo gunaanaday Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu u mahad-naqay Dhamaan intii ka soo qeyb gashay Kulankan, isagoo gacmo-furanna ku soo dhaweeyay dhamaanba madaxda Ururada Bulshada Ee Burco .

Gudoomiyuhu wxuu Bulshada Reer Burco ugu baaqay in codkooda siiyaan Xisbiga UCID, si bulshada Reer Somaliland u helaan Horumar .

 

 

IMG_5100 IMG_5102 IMG_5103 IMG_5104 IMG_5105 IMG_5106 IMG_5108 IMG_5116 IMG_5128 IMG_5129 IMG_5136 IMG_5154 IMG_5160 IMG_5162 IMG_5167 IMG_5169 IMG_5174 IMG_5179 IMG_5186 IMG_5191 IMG_5195 IMG_5198 IMG_5183 IMG_5201 IMG_5202

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here